HomeMadaxweynaha Somaliland oo Xadhigga ka Jaray/Dhagax-dhigay Mashaariic laga fuliyey Degmooyinka Sheekh iyo...

Madaxweynaha Somaliland oo Xadhigga ka Jaray/Dhagax-dhigay Mashaariic laga fuliyey Degmooyinka Sheekh iyo Burco (Daawo SAWIRRO)

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Sheekh/Burco (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xadhiga ka jaray cusbitaalka guud ee magaaladda Sheekh ee gobolka Saaxil iyo Mashaariic laga hirgeliyey magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Madaxweyne Siilaanyo oo Saaka subaxnimadii ka ambo-baxay magaalada Hargeysa isla markaana ay socdaalkiisa ku wehelinayeen   Wasiirrada Madaxtooyadda, Caafimaadka, Hawlaha Guud, Waxbarashadda, Wershadaha, Wasiir Ku xigeennada Wasaaradaha Caafimaadka iyo Warfaafinta,  ayaa wakhti barqanimadii ah Gaadhay degmada Sheekh ee gobolka Saaxil, halkaas oo uu xadhigga kaga jaray Cusbitaal guud ee degmadaas oo dhismihiisa ay maal-gelisay Dawladda Kuweyt.

blank
Booqashada Madaxweyne ee Degmada Sheekh

Madaxweynuhu waxa kale oo uu dhagax dhigay dhismaha gurigii martida ee degmada Sheekh oo ku burburay dagaaladii taliskii dawladdii Milatariga ahayd ee Siyaad Barre la gashay shacabka Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo hadal uu ka jeediyay furitaankii cisbitaalkaasi ayaa sheegay inuu qeyb ka yahay ballanqaadyadii xukuumaddu ku gashay inay ka hirgeliso gobolka Saaxil.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu u mahad celiyay dawladda Kuwayt oo uu tilmaamay inay gacan ka geysatay cisbitaalkaasi.

Wasiirka caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Muxumed Maxamed oo isna ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inuu hal ambalaas ku soo kordhin doono saddexdii ambalaas ee hore ay u lahayd degmada Sheekh.

Weftiga madaxweynuhu waxa ay markii dambe u kicitimeen magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

blank
Booqashada Madaxweynaha ee Burco

Madaxweynuhu waxa uu xadhiga ka jaray jidad laga dhisay magaalada Burco gudaheeda oo ay fulisay dawladda Hoose ee magaaladda Burco.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu xadhiga ka jaray dhismaha dugsiga farsamadda gacanta ee Burco, dayactir balaadhan oo lagu sameeyay xarunta guriga martida Burco isaga oo dhinaca kale dhagax-dhigay dhisme cusub oo lagu kordhinayo gurigaasi.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories