HomeMadaxweynaha Somaliland oo Xadhigga ka jaray Mashruuc $20 Milyan ku baxday

Madaxweynaha Somaliland oo Xadhigga ka jaray Mashruuc $20 Milyan ku baxday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah xadhigga uga jaray mashruuc ballaadhan oo ay leedahay shirkadda SOMPOWER, kaas oo koronto lagaga dhalinayo tamarta cadceedda.

blankMashruucan oo laga hirgeliyey deegaanka Bacaado ee Waqooyiga caasimadda Hargeysa, ayaa waxa madaxweynaha kala qayb-galay xubno kamid ah golaha wasiirrada, hoggaanka Axsaabta qaranka, saamileyda shirkadda SOMPOWER, ganacsato iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, ayaa furitaankiisa laga jeediyey hadallo ku saabsan faa’iidada uu mashruucani guud ahaanba u leeyahay bulshada, shaqo abuurka uu keenay, daryeelka dhinaca deegaanka iyo baahida loo qabo in bulshada caasimadda ku dhaqani ka korto ku tiirsanaantii dhinaca korontada laga dhaliyo naaftada.

Madaxa shirkadda SOMPOWER, Mudane Cabdilaahi Cawad Cali oo ugu horrayn munaasibadda furitaanka mashruucan ka hadlay, ayaa ku dheeraaday dedaalkii ay shirkaddu usoo martay hirgelinta mashruucan iyo dedaalka ay gelisay in la helo koronto laga dhalinayo tamarta dabiiciga ah ee cadceedda si loo yareeyo kharashkii badnaa ee bixi jirey.

Xubno kamid ah saamileyda shirkadda SOMPOWER oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa si isku mid ah u sharraxay faa’iidada uu mashruucani bulshada u leeyahay iyo baahida loo qabo in mashruucan laga hirgeliyo meelo badan oo dalka kamid ah, si deegaanka loo daryeello, loona koobo lacagaha ku baxa korontada shidaalka laga dhaliyo.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, Mudane Jamaal Caydiid, Marwo Edna Aadan Ismaaciil xubno kale oo kamid ah marti-sharaftii madasha ku sugnayd oo halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa bogaadiyey shirkadda SOMPOWER, waxana kula dardaarmeen inay sii wadaan dedaalka ay ku jiraan.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo xoghayaha guud ee xisbiga UCID, Mudane Axmed Xirsi Ducaale, ayaa iyaguna dhankooda hambalyeeyey shirkadda mashruucan hirgelisay ee SOMPOWER, waxana ay ku adkeeyeen inay hoos u dhigaan qiimaha ay macaamiisha ka qaadaan, maadaama oo uu hoos u dhacay kharashkii shirkad ahaan kaga bixi jirey dab-dhalintu.

Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland, Mudane Jaamac Maxamuud Cigaal oo madasha daah-furka ka hadlay, ayaa shaaciyey inuu mashruucani ku fadhiyo siyaasadda  xukuumadda uu madaxweyne Muuse Biixi gadh-wadeenka ka yahay oo ah in dalka laga hirgeliyo mashaariic ku shaqaynaya Tamarta cusboonaata, si looga durko ku tiirsanaanta tamarta shidaalka laga dhaliyo, maadaama uu jidkaasi yahay  mid dunidu waqti hore ka gudubtay, islamarkaana ay wasaarad ahaan hirgeliyeen siyaasad iyo xeerarkii lagu maamuli lahaa korontada dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban ka jeediyey munaasibadda, ayaa shirkadda SOMPOWER ku bogaadiyey dedaalka ay samaysay iyo dhaqaalaha badan ee ay mashruucan hirgelintiisa u hurtay, waxana uu ku dhiirrigeliyey inay sii wadaan dedaalkooda.

Madaxweynuhu waxa uu caddeeyey inay xukuumad ahaan xil iska saareen hirgelinta suuqa xorta ah , islamarkaana ay aaminsan yihiin inuu hannaankaasi yahay mid lagu horumarayo, “Xukuumad ahaan waxannu oggolnahay oo aannu ku dhaqmaynaa sida Dastuurkeennu dhigayo in dalka lagaga dhaqmo suuqa horta ah, dawladduna ay dadka u oggoshahay oo ay iyaga ku dhexdhexaadiso mooyaane farogelin mayso suuqa xorto ah, waayo tijaabadii caalamku waxay noqotay in suuqa xorta ahi yahay ka dalka horumariyo, kaasaannu ku taagannahay oo aannu ku dhaqmaynaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Mashruucan oo muddo laba sanno iyo badh socday, ayaa  laga dhalinayaa koronto awooddeedu gaadhsiisan tahay 20 Megawatt (labaatan meegawaat), islamarkaana daboolaya 80% baahida koronto ee caasimadda Hargeysa taalla, waxana ku baxday lacag dhan Labaatan milyan oo Dollar oo uu bixiyey baanka Adduunku.

 

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories