HomeMadaxweynaha Somaliland Oo Xadhigga Ka Jaray Mashaariic Xukuumaddu Ka Hirgelisay Ceerigaabo.

Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhigga Ka Jaray Mashaariic Xukuumaddu Ka Hirgelisay Ceerigaabo.

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ceerigaabo (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo maalintii saddaax ku jooga gobolka Sanaag, ayaa maanta xadhigga ka jaray dhismeyaal kala duwan oo ay xukuumaddu ka hirgelisay gudaha magaalada Ceerigaabo.

Madaxweynaha, ayaa xadhigga ka jaray dhismeyaal cusub oo ay kamid yihiin xeer ilaalinta gobolka iyo maxkamadda gobolka oo dhismeyaal cusub lagu kordhiyey, dib-u-habaynna lagu sameeyey, Dhismaha xarun ballaadhan oo loo bineeyey ciidanka Birmadka iyo laba saldhig oo cusub oo loogu talo galay ciidamada Booliska ee ka hawlgala gudaha magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Masuuliyiinta goobaha uu madaxweynuhu xadhigga ka jaray, ayaa madaxweynaha warbixin ka siiyey muhiimadda ay qaranka u leeyihiin dhismeyaashani iyo kaalinta ay xukuumaddu ka qaadatay hirgelintooda, waxana ay ku ammaaneen madaxweynaha sida uu hagar baxay sidii ay dhismeyaashaasi u dhammaystirmii lahaayeen.

Dhinaca kale, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu kormeeray dhisme cusub oo dhawaan loo hirgeliyey xarunta miiska saraakiisha ee ciidanka qaranka iyo jaamacadda dawladda ee Sanaag University oo waxbarashadeedu si habsi leh u socotay, waxana uu kulamo la qaatay, warbiximona ka dhegaystay maamulka jaamacadda, kuwaas oo madaxweynaha uga mahadnaqay sida uu ugu hagarbaxay inay jaamacaddu noqoto mid dhamaystiran oo wax kastaaba u dhammaystiran yihiin, isaga oo mid mid u galay fasallada jaamacadda oo ay waxbarashadu ka socoto.

Guddoomiyaha jaamacadda Sanaag University, Mudane Cali Cabdi Hurre oo halkaas kelmedo kooban ka jeediyey, ayaa madaxweynaha ugaga mahadnaqay sida uu garab istaagay baahiyaheeda kala duwan, waxana uu caddeeyey in tirada ardayda jaamacadda dhigataa marba marka ka dambaysa sii kordhayso.

Jaamacadda kale ee Daalo ee magaalada Ceerigaabo oo dhismaheedu gebgebo marayo, islamarkaana ah waqfi uu muwaaddin gobolka kasoo jeedaa ku deeqay, ayuu madaxweynuhu kormeeray, waxana uu halkaas kula kulmay maamulka gacanta ku haya, kuwaas oo sharraxay halka dhismuhu marayo iyo sida ay wax uga tari doonto baahida waxbarasho ee gobolka ka jirta.

Madaxweynaha iyo wefti culus oo uu hoggaaminayo oo maalmahanba safar shaqo ku jooga gobolka Sanaag, ayaa hawlo shaqo ku gudo jira oo ay kamid yihiin kuwan maanta xadhig-ka-jarista iyo kormeerka lagu sameeyey.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories