HomeMadaxweynaha Somaliland Oo Xadhigga Ka Jaray Mashaariic miisaan leh oo Magaalada Berbera Laga...

Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhigga Ka Jaray Mashaariic miisaan leh oo Magaalada Berbera Laga Hirgeliyey, Kuwo gacanta lagu hayona Kormeeray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Berbera (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku jooga magaalada Berbera ee gobolka Saaxil, ayaa maanta xadhigga ka jaray mashaariic waddooyin iyo dhismeyaal isugu jira oo laga hirgeliyey gudaha magaalada magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

8B7A1431

Ugu horrayn madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah maamulka gobolka Saaxil iyo degmada Berbera iyo xubno kamid ah golaha wasiirrada, ayaa soo kormeeray mashaariic waaweyn oo dhinaca horumarka ah oo gudaha magaalada Laga hirgeliyey, kuwaas oo kamid ah qorsheyaashii saddex biloodka ahaa ee ay fulisay dawladda Hoose ee Berbera, islamarkaana bilic kusoo kordhiyey magaalada.

 

Meelaha uu madaxweynuhu xadhigga ka jaray waxa kamid ah saddex waddo oo casri ah oo ay dawladda hoose ka hirgelisay magaalada Berbera, kuwaas oo mid kamid ahi laba haad ka kooban tahay iyo dhisme cusub oo lagu kordhiyey Cusbitaalka guud ee Berbera, isaga oo sidoo kale kormeeray dugsiga farsamada gacanta ee Berbera.

 

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu soo kormeeray ballaadhin iyo casriyeyn lagu sameeyey laanta uu Baanka Jamhuuriyadda Somaliland ku leeyahay magaalada Berbera iyo dhisme cusub oo lagu kordhiyey cusbitaalka guud ee magaalada Berbera, isaga oo sidoo kalena kormeeray dugsiga farsamada gacanta ee magaalada Berbera, madaxda Baanka iyo hay’adaha kala duwan dhaqaalahana ku ammaanay sida ay u xakameeyeen kor-u-kacii lacagta Doollarka.

8B7A1392

Garoonka kubadda cagta ee Cabdalle sandheere Stadium ee magaalada Berbera oo roogga casriga ah la dhigay, islamarkaana la casriyey, ayuu madaxweynuhu xadhigga ka jaray, waxana uu wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Boos Mire Maxamed shaaca ka qaaday inay wasaarad ahaan hirgeliyeen casriyeynta garoonka, islamarkaana uu madaxweynuhu arrintaas kaalin mug leh ka qaatay.

 

Maayarka magaalada Berbera, Mudane Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Ciddin) iyo Guddoomiyaha gobolka Saaxil, Eng. Axmed Cismaan Xasan oo hadallo kooban ka jeediyey xadhig-ka-jarista waddooyinka cusub ee magaalada laga hirgeliyey, ayaa faahfaahiyey sida ay maamul ahaan iskaga kaashadaan horumarinta magaalada, islamarkaana ay xil iska saareen sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen sidii ay u abuuri lahaayeen jawi soo jiita maalingelinta ballaadhan ee ka socota magaalada Berbera.

default
default

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi,  waxa uu si mug leh ugu mahadnaqay maamulka gobolka Saaxil iyo guud ahaanba shacabka gobolka, isaga oo ka marag kacay sida ay iskaga kaashadeen horumarinta degmada iyo bilicdeedaba, waxana uu yidhi,  “Waxa aynnu u mahadnaqaynaa dadweynaha gobolka Saaxil iyo kuwa Berbera, runtiina waannu bogaadinaynaa maamulka gobolka iyo dadweynahaba, labaduba bogaadin bay leeyihiin oo maamulkiina hoggaamin wacan iyo la xisaabtan iyo inuu yidhaahdo wixii aad Ii dhiibteen waxaas baan idiinku qabtay iyo Daah-furnaan uu yidhi wixii aad dhiibteen waakaas oo meel walba wixii loo qorsheeyey baa la helay.”

 

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay Berbera heshay hoggaamin wanaagsan, isaga oo meesha ka saaray wax dheeraad ah oo si gaar ah loo siiyo magaalada Berbera, “Dad badani waxa ay qabaan in dawladda Hoose ee Berbera ay taageere dhaqaale oo dheeraad ah hesho oo ay dekedda ka hesho, waxanse sheegayaa inaanay wax dheeraad ah oo dawladda Hoose ee Berbera heshaa aanay jirin, Berbera hoggaamin wacanna way heshay, dadkoodiina way aamineen, waxoodiina way isku darsadeen, wixii ay dawladda dhexe ay ka heleenna dadka kale ayey ula mid yihiin, markaa maamulka waxan usoo jeedinayaa in qorshahoodu uu gobolka oo dhan gaadho,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Ugu dambayntii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu socod lug ah ku maray laamiyada kala duwan ee magaalada Berbera, isaga oo la shaaheeyey shacabka magaalada.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories