HomeMadaxweynaha Somaliland oo xadhigga ka jaray Haamaha keydka Shidaalka ee Dahabshiil, kuwa...

Madaxweynaha Somaliland oo xadhigga ka jaray Haamaha keydka Shidaalka ee Dahabshiil, kuwa kalena dhagax-dhigay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Berbera (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa safar shaqo ku joogaan, ayaa maanta si rasmi ah xadhigga uga jaray Keydka Haamaha shidaalka ee shirkadda DAHABHIIL ka hirgelisay magaalada Berbera, isaga oo sidoo kale dhagax-dhigay keydka cusub oo lagu keydin doono Gaasta.

Munaasibadda xadhig-ka-jarista iyo dhagax-dhigga oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxda shirkadda Dahabshiil, madaxda gobolka Saaxil iyo degmada Berbera iyo marti-sharaf kale, ayaa laga jeediyey hadallo loogu mahadnaqayo shirkadda Dahabshiil, laguna bogaadinayo kaalinta xukuumaddu ka qaadatay fududaynta iyo hirgelinta hawsha.

Maamulaha shirkadda Dahabshiil, Mudane Cabdirashiid Maxamed Siciid oo munaasibadda daah-furay, ayaa ku dheeraaday mashruucan ballaadhan ee ay shirkaddu maalgashatay iyo sida uu wax uga tarayo in dekedda Berbera noqoto marin muhiim ah u ah guud ahaanba gobolka Geeska Afrika.

Ismaaciil Cabdi Xasan (Caga-weyne) oo kamid ah ganacsatada waaweyn ee dalka, ayaa isaguna bogaadiyey maalgashiga ballaadhan ee shirkaddu ku maalgashatay keydka shidaalka ee Berbera iyo meelo badan oo dalka kamid ahba.

Mulkiilaha shirkadda Dahabshiil, Mudane Maxamed Siciid Ducaale, ayaa isaguna hoosta ka xarriiqay inay shirkad ahaan maaliyad badan geliyeen sidii uu mashruucani u hirgeli lahaa, waxana uu madaxweynaha ugaga mahadnaqay sidii uu u dhiirrigeliyo ganacsatada doonaysa inay dalkooda maalgashadaan.

Wasiirrada wasaaradaha horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo Ganacsiga, Mudane Maxamed Xasan Sacad (Saajin) oo halkaas ka hadlay, ayaa iyaguna dhankooda soo dhaweeyey mashruucan ay shirkadda Dahabshiil ku maalgashatay Haamaha Shidaalka ee Berbera, waxana ay tilmaameen inay ka xukuumad ahaan diyaar u yihiin ilaalinta hantida muwaadiniintu dalka ku gashatay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban ka jeediyey munaasibadda, ayaa shirkadda Dahabshiil ku bogaadiyey dedaalka ay ugu jirto inay dalka ka hirgeliso mashaariic waaweyn oo midho-dhal ah, soona kordhiyaan hal-abuur iyo curinta hawlo cusub.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay inay ka xukuumad ahaan ka go’an tahay sidii xukuumadda iyo ganacsatadu isula jaanqaadi lahaayeen, si wada-jir loogu jihaysto horumar, waxana uu yidhi, “Xukuumad ahaan laba ayaanu ku dedaalaynaa, ganacsatada iyo dawladdu inay gacmaha is qabsadaan, dawladduna socon mayso haddaanay ganacsatada garbaha haysan, dawladduna socon mayso, dalkana waxaynu u haynaa awooddii sharciyeed iyo dhaqaalihii, haddaanay labadaasi wada soconna socon maynno, labadaasna waanu isu keenaynaa.”

Ugu dambayntii, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu bulshada ugu baaqay inay waqti badan geliyaan sidii ay ula soo bixi lahaayeen quutal daruuriga lama huraanka u ah noloshooda, soona yareeyaan ku tiirsanaanta cuntada dibadda.

blankblank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories