HomeMadaxweynaha Somaliland oo Xadhigga ka jaray Dhisme Laba Dabaq ah oo loo...

Madaxweynaha Somaliland oo Xadhigga ka jaray Dhisme Laba Dabaq ah oo loo Hirgeliyey Wasaaradda Horumarinta Beeraha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah xadhigga uga jaray dhisme laba dabaq ka kooban oo loo bineeyey wasaaradda horumarinta Beeraha, kaas oo laga maalgeliyey cashuurta laga qaado dadka muwaadiniinta ah.

Munaasibadda xadhig-ka-jarista oo lagu qabtay xarunta wasaaradda horumarinta Beeraha, ayuu ugu horrayn madaxweynuhu kormeer ku sameeyey xafiisyada kala duwan ee uu dhismaha cusubi ka kooban yahay, iyada oo ay masuuliyiinta wasaaradduna warbixin kooban halkaas ku siiyeen madaxweynaha.

blankUgu horrayn wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Muumin Seed oo hadal kooban ka jeediyey munaasibadda, ayaa hogo-tusaaleeyey kaalinta mugga leh ee ay wasaaradda horumarinta Beeruhu qaranka ugu jirto iyo dedaalka ay ugu jiraan sidii wax soo saarka beeraleyda kor loogu qaadi lahaa, waxana uu yidhi,“Wasaaraddu waa halbowlihii qaranku ku faani lahaa, welina waxaynu wax ku beeranaaa nidaamka roobka, sidaas daraaddeed haddii roob wanaagsan aynnu helnona wax soo saarkeennu wuu wanaagsanaanayaa, haddii uu roobku hoos u dhacona wax soo saarkeennu hoos buu u dhacayaa, caqabaddaas sidii aynu uga gudbi lahayn baannu imika ku jirnaa oo aannu u samayn lahayn biyo-xidheenno.”

Wasiirku waxa uu caddeeyey inay wasaarad ahaan suuro-geliyeen in gebi ahaanba laga maarmo siidhka dalka dibaddiisa ka iman jirey oo carrada ku keenay dhibaato badan, kuna beddeleen siidhka waddanka oo ay dhawaan u qaybin doonaan beeralayda dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhiniciisa sharraxay waajibaadka qaran iyo shaqada laga rabo inay wasaaradda horumarinta beeruhu bulshada u qabato iyo sida loogu baahan yahay inay bulshada ugu xidhnaato, waxana uu yidhi, “Wasaaradda Beeraha waxa laga rabaa inay qaranka ku hoggaamiso inuu wax soo saaro oo marka hore aad aqoon u sheegto, marka dambe inaad ku hoggaamiso oo ku dhiirrigeliso inay wax lasoo baxaan, marka saddexaadna inaad u sheegto natiijada wixii soo baxay.”

Madaxweynuhu waxa uu ka digay dhulka bannaan ee xoolaha laga Oodanayo iyada oo aan wax laga beerayaa jirin, waxana uu amray wasaaradda horumarinta Beeraha inaanay aqbalin Ooddaas xoolaha daaqa loogu diidayo, “Nin waliba meel buu iska Ootay, waxna lagama beerayo oo xoolihii baa laga ceshanayaa, wasaaradda Beeruhu haddii ay beer bixiso waa inay hubsataa in meeshaasi beer ku habboon tahay, ugu badnaan sannad gudihiisna waa in meeshaas wax laga soo saaraa, haddii kale dhul-xidhashada wasaaradda beeruhu waa inay tallaabada ugu horraysa qaaddo oo tidhaahdaa meeshan Beer ma tahay” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Dhismahan cusub ee madaxweynuhu maanta xadhigga ka jaray, ayaa ka kooban 12-xafiis iyo Hool weyn oo shirarka loogu talo galay, iyada oo sidoo kalena si weyn loo qurxiyey barxadda dhismaha iyo goobaha gaadiidka la dhigto, islamarkaana loo sameeyey berked cusub oo qaban doonta biyaha roobka ee kasoo dhacaya dhismaha dushiisa, si ay wasaaraddu uga faa’iidaysato.

blank blank

blank
default

blank blank

blank
default
blank
default
blank
default

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories