HomeMadaxweynaha Somaliland oo wareegto ku madax-baneeyey Kharashaadka Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka

Madaxweynaha Somaliland oo wareegto ku madax-baneeyey Kharashaadka Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto uu maanta soo saaray ku madax-bannaaneeyey kharaashaadka xafiiska Imtixaanka Qaranka oo markii hore hoostagi jiray Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

Wareegtada uu madaxweynaha Somaliland oo ku taariikheysan 31/01/2022, kuna socodsiiyey Wasiirrada Wasaaradaha Maaliyadda iyo Waxbarashada, waxa uu madaxweynuhu go’aanka uu ku madax-baneeyey miisaaniyadda xafiiska imtixaannaadka u cuskaday qoraal talo-bixin ah oo ay madaxweynaha si wada-jir ah ugu direen Hanti-dhowraha iyo Xiisaabiyaha Guud ee Qaranka.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi

Wareegtada Madaxweynaha Somaliland, ayaa u qornayd sidan:- “Anigoo tix-raacaya qoraalka talo-bixinta ah ee summaddiisu tahay WDJ/HGQ/XGQ/11-2021, kuna taariikhaysan 21/1 1/2021,  kaas oo Si wada jir ah uga soo baxay Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Qaranka.

Anigoo ka duulaya Xeerka Waxbarashada Qaranka, Xeer Lr. 77/2018, Qodobkiisa 53aad, isla markaana eegaya muhimadda uu Xafiiska Imtixaanaadka Qaranku ugu fadhiyo Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan idin farayaa in Xafiiska Imtixaanaadka Qaranku u madax-bannaanaado kharashyada kala duwan ee ku baxa imtixaanaadka, iyadoo loo raacayo Qodobbada hoos ku xusan:

1) In Xafiiska Imtixaanaadku u madax-bannaanaado dhammaan Imtixaanaadka sida ka Miisaaniyadda Qaranka iyo ka laga helo deeq-bixiyayaasha, iyadoo Si toosa loo gala xisaabtamayo Masuuliyiinta xafiiskaas.

2) In Xafiiska Xisaabaadku ku bixiyo kharashkaas si dib-u-soo-daboolid ah (Impress).

3) In Xafiiska Imtixaanaadku Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska soo mariyo Xisaab-celinta Kharashka Dib-u-soo-daboolidda (Impress) ee hore loo siiyay, Wasaaradduna U gudbiso Xafiiska Xisaabaadka Guud ee Qaranka si loogu lifaaqo xaashida lacag bixinta.

4) In Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadku magacaabo Xisaabiye iyo Khasnaji masuul ka noqda diyaarinta qoraallada (Document) xisaabeed, isla markaana kharashka ay wada-saxeexaan guddoomiyaha iyo xisaabiyaha.

5) In kharashaadka kale, sida mushaharka shaqaalaha, ay sidii hore Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku u maamusho.” Sidaas ayuu madaxweynuhu ku sheegay wareegtada uu ku madax-banneeyey kharashaadka Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories