HomeMadaxweynaha Somaliland oo Warbaahinta Online-ka ah (Websites) ku bogaadiyey Doorka ay ka...

Madaxweynaha Somaliland oo Warbaahinta Online-ka ah (Websites) ku bogaadiyey Doorka ay ka qaateen Doorashooyinka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa warbaahinta kala duwan ee dalka ku ammaanay doorkii ay ka qaateen Doorashooyinkii Isku-sidkanaa ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo dalka ka qabsoomay 31-kii May 2021-kii.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta madaxtooyada ku qaabilay Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo uu uga mahad-celiyey sida hufnaanta leh ee ay u agaasimeen qabsoomidda Doorashooyinka, waxa uu warbaahinta dalka gaar ahaan Mareegaha Wararka (Websites) iyo Telefishannada ku ammaanay doorkii ay qaateen wacyi-gelinta iyo baahinta wararka togan ee ku saabsan arrimaha Doorashooyinka Dalka oo uu sheegay inay ka qaateen qayb laxaad leh oo wax-qabadkooda la dareemay.

blank“Warbaahinta madaxa-bannaan waxay u shaqeeyaan si waddaniyadeed; hadday Tv-yo yihiin, hadday website-yo yihiin, qof kasta waxbuu ka geystay wacyigelinta. Waa markii u horeysay ee wacyi-gelinteennu midowday, waa markii u horeysya ee loo wada adeegay sidii doorashadu u qabsoomi lahayd, hadday tahay kuwii Qaranku hayey iyo kuwii gaarka loo lahaaba,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi.

Mareegaha Wararka ee ka hawl-gala Somaliland oo ku midaysan Ururka Warbaahinta Online-ka ah ee SOMA, ayaa Guddiga Doorashooyinka Qaranka kala shaqeeyay gudbinta farriimaha wacyi-gelinta iyo wararka ku saabsan arrimaha Doorashooyinka oo ay si joogto ah u baahin jireen.

Warbaahinta Onlineka ah (Websites-ka), waxa ay kaalin mug leh ugu jiraan horumarinta Dhaqan-dhaqaale, Dimuqraadiyadeed iyo siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana lagu tilmaamaa inay yihiin wejiga muraayadeed ee dunida ka dheehato xaaladaha kala duwan ee gudaha Somaliland ka jira.

Dhinaca kale, waxa uu madaxweyne Muuse Biixi xubnaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka ku ammaanay qaabka ay u agaasimeen qabsoomidda Doorashooyinka iska Sidkan ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakilllada, waxaanu si gaar ah ugu ammaanay inay hirgeliyeen nidaam ku cusub hannaanka qabsoomidda doorashooyinka dalka oo aan hore u jirin, kaas oo uu ku tilmaamay inuu meesha ka saaray cabashooyin iyo tuhunno ku yimaadda natiijada doorashooyinka.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu bogaadiyey hawl-wadeennadii loo xil-saaray hawsha doorashooyinka oo badankooda laga soo dhex-xushay Ardayda Jaamacadaha dalka, kuwaas oo uu tilmaamay inay muujiyeen hufnaan iyo karti ay ku guteen hawsha qaran ee loo xil-saaray.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories