HomeMadaxweynaha Somaliland oo Waraaqaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Safiirka Cusub ee Dawladda Federaalka...

Madaxweynaha Somaliland oo Waraaqaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Safiirka Cusub ee Dawladda Federaalka Ethiopia

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka gudoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo, safiirka cusub ee Dawladda Federal-ka Itoobiya dhawaan u soo magacowday Jamhuuriyadda Somaliland, Amb Delil Kedir Bushra.

Kulankan Madaxweynuhu ku qaabiley Safiirka, ayaa ujeedkiisu ahaa soo dhawayn, madaama safiirku ku cusub yahay xafiiska Safaaradda Itoobiya ay ku leedahay Dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanu madaxweynuhu u rajeeyey safiirka inuu halkaasi ka sii amba qaado xidhiidhkii wada shaqayneed ee xafiiska uu haatan ka hawlgelayaa hore u hayey.

Waxaana kulankaa lagu lafo-guray wada-shaqaynta iyo xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaal-ka Itoobiya ee ku dhisan isu-socodka, iskaashiga dhaqan dhaqaale ee labada bulsho iyo arrimaha nabadgelyada mandaqadda geeska Afrika, maadaama safiirku hawlahiisa shaqo ka bilaabi doono Jamhuuriyadda Somaliland.

blankKulankan waxa madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka ku xigeenka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ahna ku simaha wasiirka, Mudane Cabdinaasir Cumar Jaamac. Dhinaca Safiirkana waxa ku wehelinayey ku xigeenkiisa, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Diblomaasigan cusub ee loo soo magacaabay Safiirka Ethiopia u qaabilsan Somaliland, ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeda Qoomiyadda Uraagada (Gurage) oo ah qoomiyadda lixaad ee ugu badan Dalka Ethiopia.

Qoomiyadda Uraagada (Gurage) oo maamul ahaan hoos taga Ismaamulka Shucuubta Koonfureed, ayaa tiradooda lagu qiyaasaa 1.9 Milyan Qof, waxaana la qiyaasaa in boqolkiiba 51 Dadka Uraagada ahi haystaan Diinta Islaamka. Qoomiyadda Uraagada ayaa lagu tiriyaa inay yihiin Dadka majaraha u haya ama hoggaamiya Ganacsiga Dalka Ethiopia.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories