HomeMadaxweynaha Somaliland oo war ka soo saaray Cudurka CoronaVirus iyo Warbixinta Baadhitaannadii...

Madaxweynaha Somaliland oo war ka soo saaray Cudurka CoronaVirus iyo Warbixinta Baadhitaannadii u dambeeyey ee la sameeyey

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa faahfaahin ka bixiyey natiijada warbixinno laga soo ururiyey baadhitaannadii u dambeeyey ee xukuumaddu kaga hawl-gashay ka-hortagga cudurka CoronaVirus oo faro-baas ku haya adduunka, isla markaana kiisas laga helay dalka Ethiopia oo xidhiidh ganacsi ka dhexeeyo Somaliland.

blankMadaxweynaha Somaliland oo ay bar-bar taagan yihiin guddi wasiirro ah oo uu todobaadkii hore u magacaabay ka-hortagga Xannuunka, ayaa maanta warbaahinta kula hadlay xarunta madaxtooyada, waxaanu madaxweynuhu xaqiijiyey inaanay ilaa immika jirin kiisas la xidhiidha xannuunkan oo laga helay dalka, balse waxa uu sheegay inay jirto cabsi iyo walaaca uu dunida ku hayo oo ‘Somaliland kala siman tahay’.

“Maanta waxaan ka hadlaynaa xannuunkan adduunka ku faafay, Illaahay inooma keeno, laakiin adduunka dadkii ku noolaa wer-werbuu ku abuuray, taasna waynu kala simanahay. Cid waliba itaalkeed, taladeed iyo ismaqalkeed ayay kaga diyaar-garowday. Illaahay mahaddii maanta waddaneenna wax cudurkan ah (oo la xaqiijiyey) kama jiro

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay xukuumaddu diyaar-garow adag ka gashay meelaha laga soo galo dalka oo laga hawl-galiyey shaqaale caafimaad oo baadhitanno ku sameeya dadka ka soo galaya goobaha xuduudaha dalka, Madaarrada diyaaradaha iyo Dekedaha, isla markaana maalin kasta warbixinnaha loo soo gudbiyo wasaaradda caafimaadka, balse aan ilaa immika la haynin kiisas la xaqiijiyey oo la helay.

Haseyeeshee waxa uu madaxweynuhu sheegay inaanay ka war-qabin haddii jiraan dadka ka soo galay dalka goobaha xuduudka ee aanay ku sugnayn ciidamada ammaanka iyo hawl-wadeennada caafimaadka ee la hawl-galiyey.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu faahfaahin ka bixiyey baadhitaanno shalay hawl-wadeennada caafimaadka ee heeganka loo galiyey ka-hortagga xanuunka CoronaVirus goobaha xuduudka iyo madaarrada dalka laga soo galo, kuwaas oo tiradoodu dhammayd 1097 qof oo maray baadhitaannadan.

blank“Shalay waxa Tukaraq soo maray 109 qof, dhammantoodna way caafimaad-qabeen. Yubbe waxa soo maray Kaantaroolka oo la baadhay 10 qof, way caafimaad qabeen. Dhahar waxa soo maray 19, way caafimaad qabeen. Wajaale 540 ayaa ka soo galay oo la baadhay, dhammaantood wax laga shakiyey lama arag. Berbera waxa ka soo galay 19 qof u badan shaqaalaha maraakiibta, way caafimaad-qabeen. Lawya-caddo waxa ka soo galay 138 qof, wax laga shakiyo lama arag. Egal Airport (Garoonka diyaaradaha Hargeysa), waxa ka soo degay 262 qof, waxa laga shakiyo lama arag. Tiradaas ayaa shalay gabbalku noogu dhacay, ilaa immika wixii soo maray warbixintooda waa la soo gudbinayaa, wax kiis ah oo jira lama hayo.” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Haseyeeshee, waxa uu madaxweynuhu walaac ka muujiyey in Somaliland halis u tahay in xannuunkani u soo gudbo dalka maadaama dalalka Ethiopia iyo Kenya oo xidhiidh ganacsi ka dhexeeyo Somaliland laga xaqiijiyey kiisaska cudurkan, waxaanu shacbiga ugu baaqay inay feejinaan dheeraad ah muujiyaan una hoggaansamaan tilmaamaha caafimaad ee la bixiyey.

Muuqaalka Hoose ka Daawo Hadalka Madaxweynaha

 

Somalilandpost.net
editor@somalilandpost.net

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories