HomeMadaxweynaha Somaliland oo tallaabo Micno-darro ah ku tilmaamay Isku-dayga Soomaaliya kaga hortagaysay...

Madaxweynaha Somaliland oo tallaabo Micno-darro ah ku tilmaamay Isku-dayga Soomaaliya kaga hortagaysay Maalgeshiga Dekedda Berbera

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Waxaanu heshiiska maalgeshiga Berbera la saxeexannay shirkadda DP World iyo Imaraadka Carabta annaga oo metelayna Qaran madax-bannaan, waxaana hirgelin doonta dowladdayada.” – MUUSE BIIXI CABDI

“Somaliland waxay u baahan tahay maaliyadda iyo waayo-aragnimada DP World, dowladda Ethiopia waxay u baahan tahay marin kale oo ganacsigeedu u heellan yahay.” – DR SACAD CALI SHIRE

Dubai (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa tallaabo aan micno buuran ku fadhiyin oo aan wax saamayn ah ku yeelan karin danaha dalka ku tilmaamay hadal ka soo yeedhay baarlamaanka Soomaaliya oo shaaciyey oo ansixiyey mooshin ay sheegeen inay ku horjoogsanayaan maalgeshiga Dekedda Berbera.

muuse biixi dubaiMadaxweyne Muuse Biixi oo Jimcaha maanta shir-jaraa’id oo ay warbaahin caalami ahi goob-joog ka ahayd ku qabtay magaalada Dubia kaddib kulan Qado-sharaf ah oo Maamulaha Guud ee Shirkadda DP World u sameeyey Weftiga, waxa uu sheegay inaanay Soomaaliya lahayn Awood ay Wax ku yeeli karto danaha Somaliland.

“Waxaan ku tilmaami karaa hadal micno-darro ah, xaqna uma haystaan inay si uun u soo faro-geliyaan sida aanu u maaraynayno Dekedda Berbera,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi oo hadal ka jeediyey shir-jaraa’id oo uu ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr Sacad Cali Shire kaddib kulanka qado-sharafta ah ee Maamulaha DP World u sameeyey.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku darya, “Waxaanu heshiiska maalgeshiga Berbera la saxeexannay shirkadda DP World iyo Imaraadka Carabta annaga oo metelayna Qaran madax-bannaan, waxaana hirgelin doonta dowladdayada. Waxaanu idiin xaqiijinaynaa inaanay Soomaliya ku yeelan karin wax saamayn ah oo taban,” ayuu yidhi Md Muuse Biixi Cabdi Sida ay shabakadda Somalilandpost.net ka soo xigatay jariiradda Gulfnews oo ka mid warbaahinta ku sugnayd goobta uu madaxweynuhu shirka jar’aaid ku qabtay maanta oo Jimce.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa nasiib-darro ku tilmaamay in baarlamaanka Soomaaliya wakhtiga isaga lumiyaan inay horjoogsadaan heshiiska DP World ee Dekedda Berbera oo uu ku tilmaamay horumar faa’ido u leh gobolka oo Soomaaliya ku jirto..

“Maalgeshiga DP World ee Dekedda Berbera waa barnaamij horumarineed oo aan dan u ahayn Somaliland oo kaliya balse faa’iido u leh gobolka oo dhan. Somaliland waxay u baahan tahay maaliyadda iyo waayo-aragnimada DP World, dowladda Ethiopia waxay u baahan tahay marin kale oo ganacsigeedu u heellan yahay,” Sida ayuu yidhi Dr Sacad Cali Shire, isagoo intaas ku daray inaanay dowlad ahaan ka filayn Soomaaliya tallaabada ay kaga hortagayeen maalgeshiga dibadeed ee laga hirgelinayo Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories