HomeMadaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray Taliyihii hore ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha...

Madaxweynaha Somaliland oo tacsi u diray Taliyihii hore ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha oo Hargeysa ku geeriyooday

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

blankHargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa tacsi u diray ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo qaranka uu ka baxay Allah haw naxariistee Taliyihii hore ee Ciidanka Ilaalada Xeebaha Marxuum Cismaan Jibriil Xagar oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay shaqsiyaddii iyo doorkii uu marxuumku ka soo qaatay dhismaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha oo uu taliye ka ahaa intii u dhaxaysay sannadihii 2005-tii ilaa 2010-kii.

Dhambaal Tacsi ah oo madaxweynuhu u diray Marxuumka, ayaa u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland, gaar ahaan ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cismaan Jibriil Xagar oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 05/05/2020, caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay ciidamada iyo dalkaba kana mida ahaa saraakiishii aas-aastay ee seeska u dhigtay dhismaha ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland, xilal kala duwanna ka soo qabtay, isagoo sannadihii 2005 ilaa 2010-kiina ahaa taliyaha ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.” Sidaas ayaa lagu yidhi war kooban oo lagu faafiyey dhambaalka tacsida ah ee madaxweynaha.

Marxuumka ayaa muddadii uu xilka Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha ahaa, waxa uu tiraba dhowr jeer kulamo la yeeshay Saraakiil iyo ka tirsan Ciidamada badda midowga Yurub iyo kuwa Isbahaysiga NATO oo ay kulamo wakhti qaatay lagagana hadlay ammaanka xeebaha gacanka Cadmeed kula qaateen Maraakiibta Dagaalka. iyadoo xilligaas ay reer Galbeedku dagaal kula jiraan Budhcad-badeedda Soomaalida oo faro-baas ku hayey maraakiibta ganacsi ee ka gudbi jirtay Badweynta Hindiya iyo qaybo ka mid ah Gacanka Cadan.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories