HomeMadaxweynaha Somaliland oo ka hadlay doorkii uu saxaafadda ku lahaa Maareeyihii Wargeyska...

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay doorkii uu saxaafadda ku lahaa Maareeyihii Wargeyska Ogaal Cabdiweli Faarax Jaambiir oo galabta ku geeriyooday Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud, ayaa Bahweynta Saxaafadda Somaliland, Ehelkii iyo Qaraabadii uu ka baxay ka tacsiyadeeyey Maareeyihii Wargeyska Madaxa Bannaan ee Ogaal Marxuum Cabdiweli Faarax Jaambiir oo maanta gelinkii dambe ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

cabdi weli jaambiirAlle Naxariistii Janno haka waraabiyee, Cabdiweli Faarax Jaambiir oo muddo labaatan sanno ku siman ku soo dhex-jiray Bahda Saxaafadda Somaliland isla markaana ahaa ruug-caddaa magac iyo karaamo ku lahaa bahda Saxaafadda ee dalka, ayaa dhowrkii bilood u dambeeyey xannuun dhinac beerka ah u yaallay cusbitaallo ku kala yaala Somaliland iyo Itoobiya oo lagu dabiibayey.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay Suxufi door muhiima ka soo qaatay heerka saxaafada Dalku ay maanta taagan tahay, waxaanu madaxweynuhu si gaara u tacsiyadaynayaa Walaalkii Muuse Faarax Jaambiir oo ka mid ah odayaasha Saxaafada Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ILLAAHAY uga beryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Bahda Saxaafada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ha ka siiyo.

Dhinaca kale, Ururka Saxaafadda Somaliand ee SOLJA, ayaa tacsi u diray Ehelkii, qaraabadii, qoyskii iyo bahda saxaafadda ee Marxuumku ka baxay, sida lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo uu ku saxeexan yahay Xoghayaha Guud ee Ururka SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax.

“Ururka Suxufiyiinta ee SOLJA Wuxuu Tacsi U Dirayaa Qoyskii,Qaraabadii Iyo Dhamaan Bahda Saxaafada Somaliland Geeridii Naxdinta Lahayd Ee Maanta Ku Timid Weriye C/Wali Faarax Jaambiir Oo Ahaa Maareyihii Wargayska Ogaal Oo Maanta Galinkii Danbe Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa

Taas Oo Aanu Ilaahay Ugu Baryayno Inuu Qabriga U Nuuro Janatul Fardowsana Geeyo,Dhamaanteena Samir Iyo Iimaan Inaga Siiyo.”

Haddaanu nahay bahda Somalilandpost.net, annaga oo ka tiiraanyeysan Geerida naxdinta leh eek u timi Cabdiweli Faarax Jaambiir, waxa aanu tacsi u diraynaa Ehelkii, qaraabadii, Qoyskii iyo Bahda Saxaafadda Somaliland ee uu ka baxay Alle Ha u naxariistee Marxuum Cabdiweli Faarax Jaambiir oo ka mid ah Odayaasha iyo ruug-caddaaga saxaafadda Somaliand. INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories