HomeMadaxweynaha Somaliland oo Tabobar u Xidhay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka

Madaxweynaha Somaliland oo Tabobar u Xidhay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa tababar usoo xidhay dufcado kamid ah ciidamada Qaranka oo muddo lagu carbinayey kulliyaddo kala duwan maantase loogu soo xidhay Kulliyadda Cabdilaahi Askar ee deegaanka Darar-weyne ee duleedka Waqooyi Bari ee Caasimadda Hargeysa.

Munaasibadda tababarka loogu soo xidhayey ciidamadan oo ay madaxweynaha kala qayb-geleen wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga, taliyeyaasha ciidamada Qaranka iyo Booliska, macallimiintii tababarka bixinaysay, ayaa laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo dhallinyarada ciidamada qaranka kusoo biiray ee tababarka qaadatay, waxana lagula dardaarmay inay tacabkii qaranku geliyey bulshadooda ugu adeegaan.

blankUgu horrayn, taliyaha ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, Sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani oo halkaas ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey ciidamada saaka tababarka loo xidhay iyo goobihii kala duwanaa ee ay carbiska kusoo qaateen, waxana uu hoosta ka xarriiqay in qaranku tacab badan geliyey ciidamadan, loogana baahan yahay inay dalkooda iyo dadkoodaba ka difaacaan gardarrada maamulka Puntland kusoo qaadeen gudaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland, islamarkaana aanu qaranku ka dulqaadanayn daandaansigaa dalka lagu wado.

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), ayaa isaguna bogaadiyey ciidamada tababarka dhammaystay iyo macallimiintoodaba, waxana uu tilmaamay inay kusoo biireen ciidamo Sharaf leh oo xuquuqaha Aadamaha iyo sharafta muwaadiniintaba dhawra, cadowgana libinta si fudud uga qaata.

blankMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey ciidamada, ayaa ugu horrayn ku hambalyeeyey tababarka u dhammaaday, waxana uu caddeeyey inay ciidanku yihiin astaan nabadeed dhaxanta iyo goobaha naf waaga u taagan sidii muwaadiniintu ugu seexan lahaayeen nabad.

“Waxan aad u hambalyeynayaa dhammaan ciidamada kala duwan ee qaranka ee habeen iyo maalinba u heegan inay dadkoodu nabadgelyo ku seexdaan, kuna soo toosaan, hantidoodu nabadgasho, dadkeenu horumaraan. Geesiyaasha ciidamada kala duwan ee ciidanka qaranku u xoog weyn yahay ee dadkooda nabaddooda iyo mustaqablkooda u heeganka ah baynu hambalyeynaynaa,” sidaas ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi.

Madaxweynaha oo da’yarta ciidanka kusoo biirtay u sharraxaya qiimaha ciidanimadu leedahhay, ayaa waxa uu intaas ku daray,“Waxad ku abtirsanaysaa ciidanka qaranka oo ilaa intii dalkani jirey difaaciisa iyo gobonnimadiisa usoo dhimanayey oo ilaalinayey, waxad ku abtisanaysaan geesiyaashii SNM,” ayuu yidhi madaxweynuhu.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu si kooban uga hadlay shaqaaqada ka aloosan deegaanno kamid ah gobolka Sool, waxana uu xusay inuu khilaafku yahay mid dhexyaalla gudaha bulshada reer Somaliland, isaga oo waxgaradka iyo indheergaradkana ugu baaqay in wada-hadal iyo walaaltinimo lagu dhammeeyo arrinta taagan.

“Khilaafka reer Sool iyo Somaliland waa mid Somaliland iyo Sool ka dhexeeya, dal kastana dadka joogaa wax bay kala tirsadaan, reer Sool-na waxan leeyahay diyaar baannu u nahay inaynu walaaltinimo iyo nabad ku xallinno, khasaarena intii dhacday inoogu filane inaynu nabad ku xallinaa baan idiinku baaqayaa, wixii waxgarad ah ee nabad doonaya, qofka aan nabad doonayn ee khasaaraha kusii socdana waxan u leenahay talo ciidan oo adag oo dadka badbaadisa,” sidaas ayuu yidhi madaxweynuhu.

blank blank blank

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories