HomeMadaxweynaha Somaliland oo soo shaaciyey Qodobbo dar-dargelinaya lagu Xakamaynta Cudurka Dilaaca ah...

Madaxweynaha Somaliland oo soo shaaciyey Qodobbo dar-dargelinaya lagu Xakamaynta Cudurka Dilaaca ah HIV/AIDS

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa daboolka ka qaaday qodobbo lagaga hortago halista cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS, waxaanu ganacsatada dalka iyo hay’adaha Caalamiga ah ee dalka ka dalbaday inay door muhiim ka qaataan la-dagaalkan cudurkan.

Madaxweynaha Somaliland oo isla markaana ah guddoomiyaha Guddiga Qaran ee ka hortagga Aafada HIV/AIDS, ayaa maanta kormeer u kuur-gelid ah ku tagay xarunta Komishanka Xuquuqal-iinsaanka, waxaana kormeerkiisa ku wehelinayay Wasiirrada Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise iyo Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxaana xarunta ku soo dhaweeyey xoghaya Fulinta Komishanka La Dagaalanka HIV/AID Prof Cabdi Cali Jaamac oo madaxweynuhu dhawaan xilkaas ku magacaabay.

Madaxweynaha oo madasha ka hadlay, ayaa iftiimiyey muhiimadda ay leedahay in meel looga soo wada-jeesto xakamaynta marxaladda Cudurkani ka taagan yahay dalka oo wakhtigan heer hoose maraysa, iyada oo warbixintii u dambaysay ee lagu soo bandhigay heerka uu dalka ka marayo lagu sheegay boqolkiiba wax ka yar Hal.

Madaxweynaha oo arrimahan ka hadlayey waxa uu yidhi, “Somaliland ahaan, Waddankeenna waxaa qofkii u horeeyey lagu arkay1992-kii. Sidaa darteed, waxa daruuri noqotay inaynnu ula dagaallano si la mid ah sida bulshooyinka Caalamku ula dagaallamayaan.  Dawladda Somaliland waxay xil weyn iska saartay si walba oo xanuunkan wax looga qaban karo, iyadoo aasaastay komishan Qarankeenna u qaabilsan wax-ka-qabashada iyo la dagaallanka xanuunkan.

Somaliland ahaan si aynaan u gaadhin heerka loo yaqaan (marxaladda uu xanuunkani baahsanyahay) iyadoo nasiib wanaag aynu joogno marxalad aanu baahin oo wax laga qaban karo, waxaa lagama maarmaan ah in aynnu Dhammaan awoodda isugu gayno wax ka-qabashada xanuunkan.

Markii aan ogaaday in uu jiro culays maaliyadeed oo ku soo kordhay Global-Fund-ka oo ah Hay’addii Somaliland iyo waddamo badan oo dunida ka mid ah ka caawin-jirtay dhinaca dhaqaalaha, waxaan jeclaystay in aan Maanta baaqan u diro bulshada Somaliland iyo Beesha Caalamka guud ahaan kaas oo ku wajahan sidii aynnu gacan buuxda u siin lahayn Komishanka Qaranka ee Xakamaynta AIDs-ka sidii loogu horjoogi lahaa shanta sano ee soo socota heerka ugu hooseeya ee aynnu gaadhsiin karno, intaa wixii ka danbeeyana aynnu ka faraxalanno xanuunkan,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu qiray inaanay xakamaynta cudurkan lagu halleyn Karin Komishanka Xakamaynta HIV/AIDs oo aan helin dhaqaale ku filan oo ay ku hawl-galaan, haseyeeshee waxa uu xusay baahi loo qabo wax-qabad dheeraad ah oo lagu kaabo lagagana gaashaanto halista cudurkani ku keeni maro muwaadiniinta.

Madaxweynuhu waxa uu madasha ka sheegay qodobbo uu ku dhiirrigelinayo kor-u-qaadista dedaallada lagu xakamaynayo cudurkan iyo saamaynta uu bulshada ku yeelan karo.  Waxaanu yidhi, “Anigoo ka duulaya arrimaha aan soo xusay isla markaana tix-gelinaya inaan komishanku helin taageero ku filan hadday tahay dawladda Somaliland iyo dhinaca hay’adaha caalamiga ah ee u xil saaran wax-ka-qabashada xanuunkan, isla markaana hay’adihii Komishanka ka kaabi jiray ay aad u yareeyeen taageeradoodii. Anigoo Maanka ku haya xilka qarankan iga saaran isla markaana ah Guddoomiyaha Komishanka Qaranka ee Xakamaynta AIDs-ka (SOLNAC) waxaan rabaa in aan bulshada reer Somaliland iyo ta caalamkaba u muujiyo sida aan diyaarka ugu ahay qof-ahaan iyo Xukuumad ahaanba inaan qaybta ugu weyn ka qaato la dagaallanka iyo wax-ka-qabasahda xanuunka AIDs-ka.

1.  Waxaan Miisaaniyadda Qaranka ee 2014-ka ugu daraynaa annagoo ka duulaynna awooddeena dhaqaale inta ugu badan ee suuro gal ah, waxna lagaga qaban karo dedaalka aynu ugu jiro la-dagaallanka xanuunkan AIDS-ka si sannadkan tallaabooyin muuqda loo qaado.

2.  Waxan fududaynaynaa sidii loo Gaadhi lahaa dhammaan Gobollada iyo degmooyinka Somaliland gaar ahaan kuwa halista badan laga filan karo si loo helo xog sugan oo waddanka oo dhan ah.

3.  Waxan farayaa Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka inay Idaacadda iyo TV-ga qarankaba ka siiso waqti ku filan ka-wacyigelinta bulshada xanuunkan, gacan buuxdana ka siiso Komishanka Qaranka ee Xakamaynta AIDs-ka.

4.  Waxaan farayaa Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo cidkastoo awood u lehba inay Mucaawinooyinka dalka soo gaadha si muuqata uga taageerto dadka la nool xanuunka HIV/AIDs-ka sidii horeba Xukuumaddu u samaysay.

5.   Waxan farayaa Komishanka Qaranka ee Xakamaynta AIDs-ka iyo saaxiibbadooda kala shaqeeya hawshan inay ku dhiiri-galiyaan oo u sheegaan dadka in aanay ceeb ahayn in la iska baadho xanuunka, taasoo loo baahan yahay in ay hormood ka noqdaan Madaxda Dawladda, Culimada, Aqoonyahanka iyo Ganacsatada waaweyn.

6.  Waxan ka codsanayaa ganacsatada reer Somaliland inay gacan ka gaystaan wax-ka-qabashada xanuunkan cid waliba qaadi karto isla markaana ay caawiyaan walaalahooda la nool xanuunkan.

7.  Waxan ka codsanayaa hay’adaha caalamiga ah ee ku shaqada leh wax-ka-qabashada xanuunkan inay laban-laabaan dadaalka iyo kaalmada ay ku bixiyaan la-tacaalista xanuunkan. Waxaan idinka rajaynayaa in aad iskaashi iyo wada shaqayn buuxda ka yeelataan hay’adda ku shaqada leh ee qaranka u qaabilsan.”

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories