HomeMadaxweynaha Somaliland oo Soo saaray Xeer Dadka Naafada ah u suurto-galinaya inay...

Madaxweynaha Somaliland oo Soo saaray Xeer Dadka Naafada ah u suurto-galinaya inay Adeegyadooda ka fushadaan Goobaha fuliya Adeegyada dadweynaha

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

madaxweyne siilaanyoHargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo, ayaa maanta soo saaray Xeer-madaxweyne oo jidaynaya xuquuq aasaasi oo ka mid baahiyaha gaarka ah ee ay qabaan dadka Naafada ah.

Xeerkan oo ah XEERKA ADEEGGA NAAFADA ee Dhismayaasha, waxa uu madaxweynuhu ku amray in marka xeerkani dhaqan-gelo ay dhammaan Hay’adaha Dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay mudnaanta siiyaan inay dhismayaashooda u sameeyaan hab u suurto-galinaya dadka naafada ah inay ka fushan karaan adeegyada ay uga baahdaan.

Digtreetada xambaarsan xeerkan Madaxweyne oo ka soo baxday xafiiska afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa u qornayd sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xeer madaxweyne oo Sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2232/012014 uu ku dhaqan geliyey xeerka Adeegga Naafada ee Dhismayaasha.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                                 Qodobka90aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland

Markuu Arkay:                                 Qodobka 19aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland

Markuu Arkay:                                 In deegaanka ku xeeran dadka naafada ah u saamaxaynin in ay awood u yeeshaan in ay hawlahooda u gudan karaan si madax bannaan,

Markuu Garwaaqsaday: In dadka naafada ahi caqabado kala kulmaan

xarumaha  Caafimaadka, Dugsiyada. Cibaadada,

Goobaha Biyaha iyo Goobaha lagu shaqeeyo  iyo

dhammaan meel kasta oo dadku isugu yimaado oo uu

ka helo adeeg dawladeed ama mid gaar loo leeyahay,

Markuu Arkay:                 Xilka Xukuumadda ka saaran sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha, isla markaana loo fududayn lahaa,

 

Wuxuu soo saaray:

Qodobka (1)aad

Dhismaha Xarumaha Hay’adaha Dawladdu leedahay ama gaarka loo leeyahay

  1. In dhammaan xarumaha loo dhiso ama loo dhisayo Hay’adaha Dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee bixiya adeegyada dadweynaha noocay doonaanba ha noqdaane, Goobaha dadweynuhu ku kulmo ee cibaado, dhaqan, bulsho, ama madadaalo; laga bilaabo marka xeerkani dhaqan galo loo dhiso hab ama hannaan u fududayn kara in dadka naafada ahi joog ahaan iyo sal ahaanba u geli karaan ama u gaadhi karaan.
  2. In dhammaan xarumaha Hay’adaha Dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahayba ee bixiya adeegga iyo goobaha laysugu yimaado ay ugu talo-galaan meelo la dhigo gaadiidka curyaaminta (Parking)

Qodonka (2)aad

Fulinta xeerka

Fullinta xeerkan waxa u xilsaaran, isla markaana iska kaashanaya wasaaradda Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Dawladaha hoose ee Degmooyinka Dalka.

Qodobka (3)aad

Dhaqangalka xeerka iyo Dabaqaadiisa

Xeerkani waxa uu dhaqan-gelayaa laga bilaabo taariikhda ku suntan xeerkan ee madaxweynuhu saxeexay.”

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories