HomeMadaxweynaha Somaliland oo si weyn loogu soo Dhaweeyey Borama, Xadhiggana ka jaray...

Madaxweynaha Somaliland oo si weyn loogu soo Dhaweeyey Borama, Xadhiggana ka jaray Mashaariic laga hirgeliyey (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Borama (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal, waxaana soo-dhawayntiisa waddooyinka isugu soo baxay kumanaan ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaaladaasi.

blank

Madaxweynaha Somaliland waxa uu xadhigga ka jaray dhismaha waddo laami ah oo 6km ah oo isku xidhaysa Dilla iyo Boorame oo xukuumaddu bixisay dhaqaalaha ku baxay isla markaana ay fulisay Gudida horumarinta wadooyinka ee gobolada Awdal iyo Salel.

Waxa kale oo uu madaxweynuhu uu dhagax-dhigay dayactir balaadhan oo lagu samaynayo Guriga Martida ee magaaladda Boorame. Waxa kale oo uu xadhiga ka jaray dhisme cusub oo loo dhisay kastamka Boorame.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxa uu xadhiga ka jaray laba waddo oo isku xidha xaafadaha magaalada Boorame oo ay iska kaashadeen fulintooda Dawladda hoose iyo dadweynaha Boorame.

“Waxaan idiinka mahad celinayaa sida diiran sida wanaagsan ee aad iigu soo dhawayseen gobolka Awdal, waxaan idiin caddaynayaa inaanu dawlad ahaan diyaar u nahay wixii danta iyo horumarinta dalku ku jirto,”ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Madaxweynuhu wuxuu intaasi ku daray, “Waxaanu diyaar u nahay wixii gobolka waxtarkiisa iyo horumarintiisa ah. Haddii ay waddooyinka tahay iyo dhinac walba inaanu wax ka qabano oo meel ka soo wada jeedsano oo gacmaha is qabsano oo dalkeena horumarintiisa iyo midayntiisa ka wada shaqayno.”

Madaxweynaha waxa socdaalkiisa gobolka Awdal waxa ku wehelinaya marwadda koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde, Wasiirrada Madaxtooyadda, Maaliyadda, Hawlaha Guud, Kalluumaysiga, Warshadaha, shaqada iyo arrimaha bulshadda, Beeraha, Waxbarashadda, Wasiir Ku xigeenada Warfaafinta iyo Waxbarashadda.

blank
Waa markii Labaad ee madaxweynaha Somaliland socdaal ku gaadho xarunta gobolka Awdal ee Borama tan iyo markii xilka loo doortay sannadkii 2010.

Somalilandpost.net/Borama

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories