HomeMadaxweynaha Somaliland Oo si Ballaadhan Loogu soo dhaweeyey deegaanka Abdaal

Madaxweynaha Somaliland Oo si Ballaadhan Loogu soo dhaweeyey deegaanka Abdaal

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo kasoo laabtay safar shaqo oo ay ku tageen gobollada Togdheer iyo Saaxil, ayaa maanta si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Abdaal ee degmada Mandheera.

Dadweynaha ku dhaqan deegaanka Abdaal oo ay hormuud u yihiin maamulka degmada Madheera, cuqaasha, waxgaradka iyo haldoorka Bulshada oo caleemo qoyan lulaya calanka Jamhuuriyadda Somaliland-na ku lebbisan, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hortegay jihada Bari ee magaalada Abdaal, iyaga oo safaf dhaadheer u taagnaa waddada dheer ee magaalada hor marta.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa u gacan haadiyey shacabkii reer Abdaal ee taagnaa hareeraha waddada, kuwaas oo ay wajiyadooda ka muuqatay farxad iyo xamaasad dheeraad ahi.

Soo dhaweynta kaddib, waxa madaxweynaha iyo weftigiisu ay shacabkii soo dhaweeyey kala hadleen goob loo diyaariyey, waxana halkaas laga jeediyey hadallo loogu mahadnaqayo shacabkii soo dhaweynta usoo baxay, lagagana sheekaynayo waxyaabihii ay xukuumaddu ka hirgelisay.

Madax-dhaqameed deegaanka kasoo jeeda oo ay kamid yihiin Ugaas Caydaruus, Suldaan Shabcaan, suldaan Cali Saleebaan, suldaan Maxamuud Axmed Sheekh, chief caaqil Khadar Jaamac Caarre oo halkaas ka hadlay, ayaa shacabka reer Abdaal uga mahadnaqay sida xamaasadda leh ee ay madaxweynaha iyo weftigiisa usoo dhaweeyeen, waxana ay kula dardaarmeen inay midnimadooda adkaystaan, horumarka degmadana u midoobaan.

Siyaasiyiin iyo haldoor kale oo ay kamid yihiin Ex. Xildhibaan Axmed wayso-cadde, Mudane hore Maxamed Cali-dheere, Mudane Bashiir Aw Xasan oo halkaas ka hadlay, ayaa si qoto dheer u sharraxay waxyaabaha ay xukuumaddu ka qabatay degmada iyo guud ahaanba gobolka Saaxil, iyaga oo shacabkana uga mahadnaqay sida diirran ee ay usoo dhaweeyeen madaxweynaha iyo weftigiisa.

Qaar kamid ah haldoorka iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Saaxil, guddoomiyaha gobolka Saaxil, Mudane Cali Cabdi Cabdilaahi (Cali-case), maayarka degmada Berbera, Mudane Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Ciddin), guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee gobolka Saaxil, Mudane Maxamuud Maxamed Jaamac, agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka, Mudane Muuse Jaamac Maxamed, maareeyaha dekedaha, Mudane Siciid Xasan Cabdilaahi, Guddoomiyaha degmada Mandheera, Mudane Cumar Cali Xuseen, guddoomiyaha degmada Laasgeel, Mudane Mustafe Ibraahim Cismaan (Jebiye), siyaasi Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase), Sheekh Saleebaan Siciid Cali iyo waxgarad kale oo halkaas ka hadlay, ayaa bulshada deegaanka Abdaal uga mahadnaqay sida aan kala hadhka lahayn ee ay usoo dhaweeyeen.

Wasiirka wasaaradda Qoyska, Shaqada iyo arrimaha Bulshada, Mudane Cali Cumar Maxamuud (Cali Xoor xoor) oo munaasibadda soo dhaweynta ah ka hadlay, ayaa ku dheeraaday sida dadka deegaanka Abdaal caanka ugu yihiin soo dhaweynta iyo marti-soorkaba, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay xukuumaddu wax badan ka qabatay guud ahaan gobolka Saaxil.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo afmeeray, ayaa ugu horrayn bulshada ku dhaqan magaalada Abdaal iyo deegaannada ku xeeran uga mahadnaqay sida diirran ee ay usoo dhaweeyeen, waxana uu ku ammaanay sida qaybta uga yihiin nabadda iyo horumarka dalka.

Madaxweynuhu waxa uu kula dardaarmay bulshada degmada Mandheera inay nabadda iyo wada-jirkooda ilaashadaan, “Dhammaanteen waa inaynu nabadda iyo horumarka gacmaha isu qabsannaa, is jeclaanno oo wax wada qabsannaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

blank blank blank blank blank blank

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories