HomeMadaxweynaha Somaliland oo si Adag uga hadlay War-murtiyeed ka soo bixiyey Shir...

Madaxweynaha Somaliland oo si Adag uga hadlay War-murtiyeed ka soo bixiyey Shir ay isugu yimaaddeen maamul-goboleedyada Soomaaliya oo JSL ku jirto

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Daawo:-Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadayl Halinta Diiwaangalinta, Abaaraha iyo Arimo kaleHargeysa (SLpost)- Madaxwaynaha  Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane,  Axmed Maxamed  Siilaanyo, ayaa soo saaray qoraal uu ugu caddaynayo dhawladda federaalka ee Soomaaliya mowqifka dawladda Somaliland ee ku aaddan hadal dhawaan ka soo yeedhay maamullada dalkaasi oo sheegayey inay Somaliland xubno metalayaa ka qaybgalayaan qaab doorasho oo soomaaliya ku heshiisay, 2016.

War-murtiyeedka madaxweynuhu, wuxu u dhignaa sidan:- “Anigoo ku hadlaya afka dawladda Somaliland, waxan halkan ku caddaynaya mowqifkayaga ku aaddan war-murtiyeed dhawaan ka soo baxay shir ay yeesheen qaybaha soomaaliya, kaasoo khuseeyey qaabka doorasho ee dalkaasi ee 2016.

War mur-tiyeedkan soomaaliya ee u dambeeyey waa tallaabo macno-darro iyo daandaansi lagu sheeganayo, laguna soo darayo Soomaaliland inay qayb ka tahay geedi socodka qaabka doorashada ee soomaaliya.

Jamhuuriyadda Somaliland qayb kama aha Soomaaliya, weligeedna ka noqon-mayso, hadday federal tahay iyo hadday si kala tahayba.

Waxa lagama maarmaan ah in maanka lagu hayo in Somaliland oo ah dal madaxbannaan, uu la galay soomaaliya heshiis midnimo oo sharcinimada heshiiskaa laftiisa su’aali ka taagan tahay.

Somaliland way diiday heshiiskaa midnimada Somaliland iyo soomaaliya aftidii dastuurka ee dadka laga qaaday horrantii 1961kii, iyagoo Somaliland si buuxda uga laablaabatay 1991kii, kuna caddeysay go’aankeedii ka noqoshada midnimadaasi, isla markaana baaqi ku ahaanayso la soo noqoshada madaxbanaanideeda, sida ku cad,  aftidii muwaadiniinta Somaliland ee 2001.

Somaliland ka qaybgelimayso qaabka doorasho ee Soomaaliya. Dawladda  Somalilandna iyadaa leh awoodda sharci, muwaadiniinteeduna  u doorteen inay ku hadasho afkooda iyo magacooda, kulana xaajoon karto cid kale, odayaal, madaxdhaqameed, iyo cid ay magacaabeentoona ma mateli karaan Jamhuuriyadda Somaliland, ciddii sidaa iskudayda, ama ku andacootaana, waxa loo arkayaa cid ku kacday khiyaamo, waana sharcidarro, waxay tarayaana maba jirto.

Somaliland cidda awoodda bixisaa ee xilka cid u doorataa, Alle Ka Sakow, waa dadweyneheeda. Waxan marar badan soo bandhignay nidaamkayaga diimuqraadiyadeed, annagoo qabanay doorashooyin si nabad ah ku dhacay, xor iyo xalaal ahaa, oo dhawr jeer qabsoomay. Wakhti xaadirkanna, waxan isu diyaarinaynaa doorashada madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka iyo ta wakiillada ee 2017-ka, kuwasoo ka gooni ah, waxshaqo ahna aan ku lahayn qaabka doorasho ee Soomaaliya 2016.

Somaliland waxay door shariif ah ka qaadanaysaa dadaal kasta oo keenaya nabad iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaadda gobolka Geeska Afrika, waxanay mar labaad caddeynaysaa siday uga go’an tahay wadahadalkii Somaliland iyo Soomaaliya ee ay kor joogaha ka ahayd beesha caalamku ee bishii Juun, 2012, laguna raadinayey falanqaynta danaha labada dhinac, iyadoo lagu xadaynayey sida loo gaadhayo xidhiidh nabadgelyo ku dhisan oo labada dhinac yeeshaan mustaqbalka.

Wadahadalkaasi ayaa annaga naga go’an, hase ahaatee, isku-dayga dhinaca kaliya ee ay Soomaaliya waddo, ee ay Somaliland ku soo darayso qaabkeeda doorasho, wuxuu si cad uga horimanayaa wada hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya ee 19 January, 2014 ee ahaa inay labada dhinac faraha kala baxaan wax kastoo dhibaato ka dhex abuuri kara labada dhinac, sida hadal iyo habdhaqan aan loo baahnayn oo fogayn kara wada hadalada labada dhinac.

Sida awgeed, waxan ugu baaqaynaa dawladda federaalka ah inay qaddariso madaxbanaanida Somaliland iyo awoodda dadkeedu siiyeen dawladdooda, iyo dimuqraadiyadda ay ku doorteen. waxan ku boorrinaynaa Soomaaliya inay faraha kala baxdo qaranimada Somaliland.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

        Axmed Maxamed Siilaanyo

Maaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories