HomeMadaxweynaha Somaliland oo shir-guddoomiyey shirka guddida fulinta Xisbiga KULMIYE oo qodobbo muhiim...

Madaxweynaha Somaliland oo shir-guddoomiyey shirka guddida fulinta Xisbiga KULMIYE oo qodobbo muhiim ah laga soo saaray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shir-guddoomiyey shir ay maanta yeesheen guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE oo ka qabsoomay xarunta dhexe ee xisbigu ku leeyahay caasimadda Hargeysa.

Kulankan oo uu madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo xubnaha guddida fulinta, ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay dardargelinta hawlaha xisbiga, iyada oo warbixin dheer lagaga dhegaystay guddidii xisbiga katirsanayd ee uu hoggaaminayey guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi-dheere, taas oo dhawaan socdaal shaqo kusoo martay gobollada kala duwan ee dalka.

Ugu horrayn, wasiirkii hore ee maaliyadda, Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, ahna xubin katirsan guddida fulinta xisbiga KULMIYE oo ku hadlay Afka guddidii xisbiga ee dhawaan soo martay gobollada dalka, ayaa si qoto dheer u sharraxay kulamadii kala duwanaa ee ay lasoo yeesheen bulshada deegaannadii ay soo mareen, waxana uu xusay in bulshadu u heellan tahay xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE.

Dhawaaqyadii sharciyadda iyo qarannimada baalmarsanaa ee dhawaan kasoo yeeshey hoggaanka axsaabta mucaaridka, ayaa sidoo kale kulanka lagaga wada hadlay, iyada oo la gorfeeyey aragtida xisbi ahaan ay ka qabaan sidii loo wajahi lahaa tallaabooyinka qaanuunka baalmarsan ee ay mucaaridku qaadeen.

Qodobbadii kasoo baxay shirka guddida fulinta, ayaa markii uu shirku soo dhammaaday waxa saxaafadda u akhriyey xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE, Mudane Faysal Cabdiraxmaan Madar, waxana hadalladiisii kamid ahaa,“Xisbigu waxa uu hadalkii kasoo yeedhay axsaabta mucaaridka ah ku tilmaamay mid sharci-darro ah oo qaranjebin ku ah dalka, sidaa darteedna aanay xuquuq sharci ku lahayn qaranka.”

Xoghayuhu isaga oo sii sharraxaya qodobbada shirka kasoo baxay waxa uu intaas kusii daray,“Xisbigu waxa uu madaxweynaha qaranka, ahna guddoomiyaha KULMIYE ku ammaanay ilaalinta iyo dhawrista Dastuurka iyo xeerarka ka dhambalma, waxana ay usoo jeediyeen madaxweynaha inuu dulqaad muujiyo sidii uu horeba ugu sifaysnaa, hase yeeshee aanu dulqaadkiisu noqon mid shuruucda dalka wax u dhimaya,” ayuu yidhi xoghaye Faysal Cabdiraxmaan Madar.

blank blank blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories