HomeMadaxweynaha Somaliland oo Shahaadooyin Guddoonsiiyey Hal-abuurro Da’yar ah oo ku soo Baxay...

Madaxweynaha Somaliland oo Shahaadooyin Guddoonsiiyey Hal-abuurro Da’yar ah oo ku soo Baxay Tartan-suugaaneed dhowaan loo Qabtay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo isaga oo ku guda jira dhiirigelinta iyo taageerada uu la garabtaagan yahay dhalin yarada dalka waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay shahaadooyina ku gudoonsiiyey Hal-abuurada da’a yar ee dhawaan ku guulaystay tartankii loo qabtay da’a yarta Gobolka maroodi-jeex, kaas oo ujeedadiisu ahayd sidii loo dhiiri gelin lahaa hal abuurada dalka u soo koraya, iyaga oo hal-abuuradani ku tartamay gabayo loogu talo galay sidii looga wacyi gelin lahaa dhalinta dalka aafada tahriibta .

KULANKA (1)Madaxweynaha oo dhalinyaradan aad ka u qiimaha badan uga mahadnaqay sida wadaniyad jacaylku uga dhab-tahay ee ay dadkooda iyo dalkoodaba heeganka ugu yihiin in ay afkooda  iyo maskaxdooda ku difaacaan kuna dhiirigeliyaan khayrkooda badaha isku guraya ee aan dhaadanayn dhibka iyo haligaada ka danbaysa ee ay kala kulmaan badaha, ayaa dhalintan u soo dhaweeyey si kal iyo laab ah isaga oo madaxweynuhu gudoonsiiyey saddexdii Hal-abuur ee kaalmaha koowaad, labaad iyo saddexaad ku kala guulaystay shahaadooyin.

KULANKA (2)Waxaana xusid gaara mudan in tartamayaashu ay ahaayeen 23 ruux oo isugu jiray rag iyo dumarba welibana ay kaalinta koowaad ku soo baxday kuna guulaysatay gabadh ka mid ah tartamayaashii ku kulmay madashaasi oo lagu qabtay Guriga hay’dda Shaqaalaha Dawlada .

Dhinaca Hal-abuurada da’a yar ee kulankan qiimaha badan la qaatay madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa ka war bixiyey ujeedada kulankan iyo doorkii ay ka ciyaareen ka dhalin yaro ahaan iyaga oo madaxweynaha uga mahadnaqay sida qadarinta iyo qiimuhu ku dheehan yahay ee uu dhalinta dalka u siiyo ahmiyada koowaad, taasibay yidhaahdeen oo ay markhaati ka tahay sida aad madaxweyne maantaba u joojisay hawlihii aad qaranka u haysay eed nooga ajiibtay kulankan aanu kula qaadanay annaga oo ogsoon in uu wakhtigaagu yahay mid aad u hibaysay una hurtay hore iyo danbaysaba dalka, ka dhalin yaro ahaana aanu ku faraxsanahay maanta in aanu nabad ku barbaarnay hadhsanayna calankayagii oo nabad ah kuna socod baranay ciidayadii hooyo, hadana nasiib u yeelano in aanu fursad u helno hal abuurnimo weliba aanu madaxweynahayagii oo ahaa halyeygii aanu ku garaadsanay isaga oo dalka iyo dadkuba ay hiigsanayaan, uu manta na hogaaminaayo, halkii dalka looga talinaayey nagu qaabilo taas oo xoojinaysa quluubtayada naguna abuuraysa in aanu dalka uga tagno wax dhaxal gal ah oo taariikhi ah, si kuwa naga danbeeyaa ay u helaan taariikh kayd u ah oo ay hiigsadaan kuna daydaan  geesigoodan qaran ee hada hogaanka u haya siyaasada dalka.

KULANKA (4)Intaasi ka dib Waxaay madaxweynaha gudoonsiyeen Xarrunta kaydka hiddaha iyo dhaqanka, akhriska iyo qoraalka ee Maxamed Mooge, hadyad ka kooban dhaqankeena suuban kuwaas oo ka koobnaa weelkii ama wiciyadii qadiimiga ahayd ee xeedhada, fandhaal, dhiil, dhiisha iyo weel kale oo ka kooban hidihii iyo dhaqankii soo jireenka ahaa ee aynu lahayn.

Sidoo kalena waxay u mahadnaqeey Abwaanadii tartanka sida qiimaha badan u daadihiyey ee u soo kala saaray Hal-abuuradan kuwaas oo kala ah.

  1. Axmed Saleebaan Bidde
  2. Saxardiid Maxamuud Jebiye iyo
  3. Cali Caateeye oo iyagu ahaa cidii kartankan u guntatay ee sida bilaa turxaanta ah u soo kala saaray da’a yartii iyaga oo mafsuud ah, kuna qanacsan heerkooda una hibeeyey una hambalyeeyey cidii ku guulaysatay saddexdii kaalmood ee loo tartamaayey kuwaas oo noqday
  4. Deeqa Nuux Yoonis kana socotay Bahda Hal-abuurka, Dhaqanka, hiddaha Akhriska iyo  qoraalka ee Maxamed Mooge
  5. Xasan Cabdinaasir Cumar oo ka socday Bahda Hal-abuurka, Dhaqanka, hiddaha, Akhriska iyo  qoraalka ee Maxamed Mooge
  6. Yaasiin Muxumed Faaraax oo ka socday Bahda Hal-abuurka, Dhaqanka, hiddaha, Akhriska iyo  qoraalka ee Maxamed Mooge

KULANKA (3)Ugu danbaytiina waxa ay dhalin yaradani mahadnaq u soo jeediyeen wasiiradii sida qiimaha nadan ula shaqaynaayey bilow ilaa dhamaad ee ay ka mid ka ahaayeen Wasiirka Madaxtooyada JSL Mudane Xirsi Cali Xaaji Cali iyO Wasiirka Dhalin yarada iyo Ciyaaraha Mudane Siciid Cali Raygal iyo Xoghayaha gaarka ah ee madaxweynaha mudane Cali Axmed Cali dhamaantood oo kulankan ku wehelinaayey Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland.

XAFIISKA AFHAYEENKA MADAXTOOYADA

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories