HomeMadaxweynaha Somaliland Oo Shahaadooyin Guddoonsiiyey Dufcaddii 8-Aad Ee Ka Qalinjebisa Jaamacadda Culuumta...

Madaxweynaha Somaliland Oo Shahaadooyin Guddoonsiiyey Dufcaddii 8-Aad Ee Ka Qalinjebisa Jaamacadda Culuumta Badda Iyo Kalluumaysiga

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Berbera (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo ay ku qalinjebiyeen 65 arday oo ka qalinjebiyey jaamacadda culuumta badda iyo kalluumaysiga ee Berbera, kuwaas oo ah dufcaddii 8-aad ee ka baxda jaamacaddaas.

Madaxweynaha qaranka oo safar shaqo ku jooga Berbera, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo loo qabtay 65-arday oo baratay culuumta badda iyo kalluumaysiga, kuwaas ka qalinjebiyey jaamacadda Berbera.

Munaasibadda qalinjebinta Berbera oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxda gobolka Saaxil iyo degmada Berbera, hoggaanka jaamacadda Badda ee Berbera iyo macallimiinta, ardayda qalinjebisay, waalidiintooda iyo marti-sharaf kale, ayaa lagu bogaadiyey ardayda qalinjebisay, waxana lagula dardaarmay inay dalkooda uga faa’iideeyaan cilmiga ay barteen.

Ugu horrayn, guddoomiyaha jaamacadda culuumta badda Berbera, Mudane Cabdiqani Maxamed Khayre oo halkaas ka hadlay, ayaa si qoto dheer u sharraxay dedaalka ay jaamacad ahaan geliyeen sidii ay ardaydani u aflixi lahaayeen, isaga oo hambalyeeyey ardayda maanta qalinjebisay iyo macallimiintii kusoo tacabtayba.

Saleebaan Cabdilaahi Caddib oo ku hadlay Boodhka Jaamacadda Berbera, ayaa bogaadiyey ardayda maanta qalinjebisay, waxana uu sheegay inay u hagar baxeen ardayda, muddo dheerna kusoo tabceen.

blankGuddoomiyaha Komishanka Tacliinta sare Prof. Saleebaan Dirir Cabdi, ayaa dhankiisa soo dhaweeyey ardayda maanta qalinjebisay, waxana uu ugu baaqay inay dalkooda iyo dadkoodaba uga faa’iideeyaan culuumta lasoo baray muddadii ay jaamacadda ku jireen.
Maareeyaha dekedaha Somaliland, Mudane Siciid Xasan Cabdilaahi, maayarka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Cidin, guddoomiyaha gobolka Saaxil, mudane Cali Cabdi Cabdilaahi iyo wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa dhammaantood hambalyeeyey ardayda maanta loo fooladeeyey, waxana ay u rajeeyeen mustaqbal ifaya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo afmeeray, ayaa hambalyeeyey ardayda ku takhasustay culuumta badda iyo kalluumaysiga, waxana uu kula dardaarmay inay dalka kusoo celiyaan abaalkii la geliyey, waxana uu yidhi,“Waxa farxad iyo Sharaf weyn Ii ah inaan maanta ka qaybgalo munaasibadda loo qabanayo kooxda ka qalinjebinayso akaadamiyadda culuumta badda, macallimiinta, ardayda iyo waalidiinta hawshaas soo galayna waxan ku hambalyeynayaa hawsha qaran ee ay soo galeen.”

Ugu dambayntii, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu shahaadooyin guddoonsiiyey xubnihii ugu sarreeyey ardayda maanta qalinjebisay oo noqonaya dufcaddii siddeedaad ee ka qalinjebiya Jaamacadda Berbera.

blank blank blankblank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories