HomeMadaxweynaha Somaliland Oo Shacbiga Ka Tacsiyeeyay Geerida Ganacsade Ibraahin Dheere

Madaxweynaha Somaliland Oo Shacbiga Ka Tacsiyeeyay Geerida Ganacsade Ibraahin Dheere

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost) Alle ha u naxariistee waxaa maanta magaalada Jabuuti ku geeriyooday Maal qabeen Ibraahin Dheere oo laga yaqaanay geeska Africa. Wuxuu dhalasho ahaan ka soo jeeday Somaliland, waxaana lagu aasi doonaa magaalada Jabuuti.

 

Madaxweynaha Somaliland ayaa shacbiga Somaliland iyo Jabuuti ka tacsiyeeyay Geerida Marxuumka:

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu tacsi u dirayaa guud ahaan Ganacsatada Dalka, wax-garadka, Aqoonyahanka, Waayeelka, Madax-dhaqameedka, Sulaadiinta, Cuqaasha, Boqorada, Ugaasyada, iyo Shacbiga Somaliland, isagoo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid alle ha u naxariistee Marxuum Maalqabeen Ibraahim Cabdi Kaahin (Ibraahim Dheere) oo ka mid ahaa tijaarta waa weyn ee laga yaqaano guud ahaan Geeska Afrikaba kuna geeriyooday Dalka Jamhuuriyada Jabuuti maanta 12.11.2015.

 

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale Tacsi taasi la mida u dirayaa Xukuumada iyo Shacbiga reer Jabuuti isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida marxuumka.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay ruug cadaa ku xeel dheeraa arrimaha ganacsiga. Sidoo kalena dedaal dheeraada ka geystay Horumarinta Qaranka Somaliland gaar ahaan xaga Nabadgelyada, Arrimaha Bulshada, iyo kobaca dhaqaalaha.

 

Madaxweynuhu waxa uu Alle uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii janatu-fardawsa ka waraabiyo, Ganacsatada Dalka, wax-garadka, Aqoonyahanka, Waayeelka, Madax-dhaqameedka, Sulaadiinta, Cuqaasha, Boqorada, Ugaasyada, Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii Asxaabtii, Ubadkii, Xaasaskii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo marxuumka.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories