HomeMadaxweynaha Somaliland oo Qaabiley Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka UK oo uu hoggaaminayo...

Madaxweynaha Somaliland oo Qaabiley Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka UK oo uu hoggaaminayo Md Gavin Williamson

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta  qasriga madaxtooyada ku qaabilay wefti xildhibaanno ah oo ka socda Baarlamaanka boqortooyada Ingiriiska oo uu hoggaaminayo MP. Gavin Williamson oo maanta soo gaadhay Somaliland.

Xildhbaan Gavin Williamson ayaa mooshin ku saabsan Qaddiyadda Aqoonsiga Somaliland horgeeyey Baarlamaanka Ingiriiska oo dood muddo saacad ku dhow qaadatay ka yeeshay 18-kii January ee sannadkan 2022-ka, arrintaas oo kor u qaadday isla markaana caalamka gaadhsiisay Qadiyadda madax-bannaanida Somaliland.

blankXildhibaannada Baarlamaanka Ingriiiska ee uu hoggaaminayo Xildhibaan Gavin Williamson oo ka soo degay gegida diyaaradaha ee Hargeysa, ayaa kala ah Lord Stuart Polak, Lord Edward Udny-Lister iyo Hon. Alun Cairns oo dhammaantood ka tirsan Xisbiga Conservative-ka ee uu hoggaamiyo raysal-wasaare Boris Johnson.

Weftiga oo uu weheliyo Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska, ayaa markii ay ka soo degeen gegida diyaaradaha, waxa ay toos u tageen Aqalka Madaxtooyada Somaliland oo uu ku qaabilay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi.

War-saxaafadeed kooban oo ka soo baxay madaxtooyada, ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu Xildhibaannada ku soo dhaweeyey booqashada ay dalka ku yimaaddeen isla markaana uu xildhibaannada uga mahad-celiyey Mooshinkii iyo Dooddii ay Baarlamaanka UK horgeeyeen oo lagaga dooday qaddiyadda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

blankWarku waxa uu intaas ku daray in madaxweynuhu ku bogaadiyey Xaqiiqooyinka ku saabsan Somaliland ee ay soo bandhigeen iyo dedaalkooda ku saabsan xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah labada waddan. isaga oo soo dhaweeyey booqashada rasmiga ah ee ay ku yimaaddeen Jamhuuriyadda Somaliland.

“Madaxweynuhu waxa uu fariin u diray dhammaan baarlamaanada kale ee caalamku inay ku daydaan baarlamaanka UK oo ay ku dhiirradaan inay horkeenaan golayaashooda doodda la xidhiidha qaddiyadda madaxbannaanida Sonaliland, maaddaama wakhtigani yahay kii ay Somaliland iyo Shacbigeedu Sugayeen xaqii ay beesha caalamka ku lahaayeen,” sidaas waxa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee madaxtooyada Somaliland.

blankWaxa kale oo war-saxaafadeedka lagu yidhi, “Madaxweynuhu waxa uu ugu baaqay dawladda Uk inay ballaadhiso xafiiska dawladda Ingiriisku ku leedahay caasimada Somaliland ee Hargeysa si uu u bixin karo adeegyo bulsho  oo dhamaystiran.”

Madaxweynaha Somaliland waxa kulanka weftiga xildhibaannada baarlamaanka UK ku wehelinayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Ingiriiska Amb. Cabdi Cabdilaahi Diiriye oo isagu la socday weftiga xildhibaannada Baarlamaanka UK.

Somalilandpost.net.

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories