HomeMadaxweynaha Somaliland oo Qaabiley Wasiir-Dowlaha Khaarajiga Ethiopia iyo Wefti uu hoggaaminayo

Madaxweynaha Somaliland oo Qaabiley Wasiir-Dowlaha Khaarajiga Ethiopia iyo Wefti uu hoggaaminayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Jimcaha maanta xafiiskiisa ku qaabiley Wasiiru-dawlaha Arrimaha Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya Ambassador Redwan Hussein iyo oo uu weheliyo Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland Amb Siciid Maxamed Jibriil iyo masuuliyiin la socday weftiga wasiiru-dawlaha.

blankWasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka Ethiopia iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa gelinkii hore ee Khamiistii shalay ka soo degay gegida diyaaradaha ee Egal International Aiport ee magaalada Hargeysa, waxaana wefti soo dhaweeyey Wasiir-ku-xigeenka ahna ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Liibaan Yuusuf Cismaan oo isku shayntii shalay ee Md Muuse Biixi loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Horumarinta Caafimaadka.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kooban oo ka soo baxay Xafiiska warbaahinta ee madaxtooyada Somaliland, Kulanka Dhexmaray madaxweynaha iyo Weftiga dowladda Ethiopia waxa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka wada-shaqayneed ee ka dhexeeya labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda federaalka ee Itoobiya oo ay ka mid yihiin arrimaha la xidhiidha isu-socodka Dadka ee labada dhinac, ganacsiga iyo iskaashiga horumarineed ee dhismaha Waddada Berbera Corridor oo xilligan socdaa ugu horeyso taas oo gun-dhig u ah isticmaalka Dekeda Berbera ee Ethiopia.

blankWarku waxa uu intaa ku daray inuu Wasiirul-dowlaha Ethiopia xusay in dalka itoobiya baahi weyn u qabo Dekedo kala duwan, muhiimad gaar ahna ay siinayaan Dekeda Berbera.

Waxa kale oo kulanka lagu lafo-guray sidii loo dhamaystiri lahaa heshiisyo ay hore u galeen labada dawladood oo la joogo wakhtigii la dhamaystiri lahaa hirgelinta qodobbadii hore la isugu afgartay ee khuseeya isticmaalka Dekedda Berbera iyo dhismaha Berbera Corridor.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi waxa kulanka ku wehelinayey wasiir ku- xigeenkii hore ee Arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah hadana wasiir ku-xigeenka wasaaradda horumarinta caafimaadka Liibaan Yuusuf Cismaan oo uu weheliyo masuul ka socday wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland.

blankWeftiga uu hoggaaminayo Wasiirul-dowlaha Arrimaha Siyaasadda Wasaaradda Khaarajiga ee Ethiopia, ayaa shalay markii ay ka soo degeen gegida diyaaradaha Hargeysa, waxa ay gelinkii dambe socdaal ku tageen magaalada Berbera, waxaana ay kormeer indho-indhayn ku tageen dekedda Berbera oo xilligaa uu ku xidhnaa markab laga leeyahay dalka Ethiopia oo maalmihii u dambeeyey laga rogayey shixnad raashin ah oo isugu jira Bariis iyo Sonkor laga keenay Waddanka Brazil.

Markabkan oo ah nooca waaweyn ayaa noqonaya kii saddexaad ee laga leeyahay dalka Ethiopia ee labadii bilood ee u dambeeyey ku soo xidha dekedda Berbera oo xilligan la tartamaysa Dekedaha waaweyn ee Mandaqadda kaddib dhowaan xadhigga laga jaray wejiga kowaad ee Casriyeynta Dekedda Berbera oo maamulkeeda ay gacanta ku hayso shirkadda DP World oo ku maalgelisay adduun lacageed oo dhan $400 Milyan.

Bishii July ee sannadkan, waxa Dekedda Berbera ku soo xidhay Markabka MV Gibe oo laga leeyahay dalka Ethiopia, kaas oo noqonaya markabkii u horreeyey ee laga leeyahay Ethiopia oo ah nooca waaweyn, kaas markii hore ku xidhan jiray Dekedda Jabuuti oo illaa immika ah marinka koowaad ee ganacsiga Ethiopia ku xidhan yahay.

Maraakibta iyo Ganacsiga Badda ee Ethiopia waxa gacanta ku haya oo maamulka shirkad lagu magacaabo Ethiopian Shipping and Logistics Service Enterprises (ESLSE).

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories