HomeMadaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley Orodyahannada Mo Farah Iyo Cabdi Nageeye.

Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley Orodyahannada Mo Farah Iyo Cabdi Nageeye.

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu qasriga Madaxtooyada ku qaabiley orodyahan Maxamed Mukhtaar Jaamac Faarax (Sir Mo Farah) oo uu wehelinayey Orodyahan Cabdi Aadan Nageeye oo u orda Dalka Nederland ama Holland oo ay saaxiibo yihiin Mo Farah oo isna u orda Dalka Ingiriiska.

Kulankan madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku qaabiley Oradyahannada caanka ah ayaa ahaa dhiirigelin uu Madaxweynuhu u muujiyey labadaa orodyahan, isagoo kula dardaarmay inay halkaa ka sii wadaan dedaalkooda, tusaale fiicana u noqdaan jiilasha soo koraya.

blankSidoo kalena, Madaxweynuhu waxa uu uga mahadnaqay magaca iyo sumcada ay u keeneen dadka ku hadla afka Soomaaliga meel ay joogaanba, gaar ahaan shacbiga Somaliland oo uu ka soo jeedo Mo Farah.

Ugu danbayntiina waxa uu Madaxweynuhu ku muuneeyey orodyahanada bilado abaalmarin ah oo ka turjumaya dedaalka iyo kartida ay muujiyeen, gaar ahaana  magaca iyo sumcada ugu soo hooyeen dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaan inta afka Soomaaliga ku hadasha.

Madaxweynuhu wuxuu  ku soo dhaweeyey Sir Mo Farah dalkiisa hooyo, isagoo uga mahadnaqay inuu soo kaxaystay, dalkana keenay saaxiibadiisii ay isku mihnada ahaayeen oo uu ugu horreeyo Cabdi Aadan Nageeye oo isagu ah oradyahan kale oo caana una orda dalka Holland balse wakhtigiisii fasaxa ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.

blankMadaxweynaha waxa  kulankaas ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi, Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Maxamed Cali Bille iyo Guddoomiyaha Xidhiidhka Olympic-ga Somaliland, Mudane Mustafe Cabdiraxmaan Xadi.

Dhinaca oradyahannada waxa ku wehelinayey Mo Faarax walaalkii Xasan Mukhtaar Jaamac Faarax iyo wiil uu dhalay Mo Farah iyo xubno kale oo muhiim ah.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories