HomeMadaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley Madaxweynihii Hore ee Nigeria, Mr Obasanjo

Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley Madaxweynihii Hore ee Nigeria, Mr Obasanjo

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley Madaxweynihii hore ee dalka Neyjeeriya, Mr Olusegun Obasanjo oo socdaal ku yimi dalka.

 

Obasanjo oo dalka ku yimi marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay madaxweyne Muuse Biixi, ayaa xilligan ah Guddoomiyaha hay’adda Brenthurst Foundation oo ka shaqaysa horumarinta dhaqaalaha Afrika iyo hirgelinta nidaamyada caalamiga taas oo xarunteedu tahay dalka Koonfur Africa.

 

blank

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka Madaxweynaha oo lagu faahfaahiyey Kulanka, ayaa u dhignaa sidan:-

 

“Ugu horayn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu uga mahadnaqay booqashada uu ku yimid Somaliland, waxaanu warbixin guud ka siiyey Marxaladihii kala duduwanaa ee ay soo martay Jamhuuriyadda Somaliland iyo wakhtigan halka ay marayso, waxaanu madaxweynuhu u sheegay Olusegun Obasanjo, in shacbiga Somaliland xasuusan yahay guddidii xaqiiqo raadiska midawga Afrika u soo diray 2005-tii Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ahaa gudoomiyihii midawga Afrika ee xiligaas, si ay uga sameeyaan warbixinno la xidhiidha qaddiyadda Madax-bannaanida Somaliland, maanta oo uu ku sugan yahay Somaliland-na ay guud ahaan indhaha Jamhuuriyadda Somaliland muddo 28 sano ah ay soo eegayeen madaxda, siyaasiyiinta iyo odayaasha Afrika ee uu ka midka yahay, kana dhursugayaan sidii ay Afrika uga heli lahaayeen waxa ay ka mudan yihiin oo ah aqoonsi ay ka helaan afrika inteeda kale iyo beesha caalamka.

blank

Madaxweyne Olusegun Obasanjo oo xukunka dalkiisa hayey intii u dhaxaysay 1999-2007-kii, islamarkaana Midowga Afrika hoggaaminayey intii u dhaxaysay 2004 ilaa 2006, ayaa safarkiisani waxa uu qaadan doonaa muddo laba maalmood ah, isagoo booqan doona xafiisyo kala duwan oo dawladdu leedahay.

blankKulanka uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi la qaatay madaxweynihyihii hore ee dalka Neyjeeriya Olusegun Obasanjo, ayaa waxa ku wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi  Ismaaciil (Saylici), gudoomiyaha UCID, Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali waraabe), wasiirrada arrimaha gudaha, iyo  hawlaha guud, wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, wakiilka Somaliland u qaabilsan midawga Afrika, maayarka caasimada Somaliland iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories