HomeMadaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley Dublomaasiyiin iyo Saraakiil Milatari oo Maraykanka ah

Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley Dublomaasiyiin iyo Saraakiil Milatari oo Maraykanka ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti  socda dalka Maraykanka oo isugu jira diblamaasiyiin, saraakiil ciidan iyo sarkaal ka tirsan Heritage Foundation, kuwaas oo socdaal shaqo ku jooga dalka.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland oo lagu faahfaahiyey arrimaha lagaga hadlay kulanka, ayaa dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu weftiga xog-warran guud ka siiyey horumarka uu dalku ku tallaabsaday oo ku yimi iskaashiga shacbiga iyo xukuumadihii kala danbeeyey ee nidaamka dimu-quraadiga ah isugu wareejinayey xukunka dawladnimo. Waxa kale oo madaxweynuhu xubnaha weftiga la wadaagay arrimaha Qaranka Somaliland u suurageliyey in beesha caalamka iyo Afrika inteeda kalena ay ku majeerato, taas oo ah nabadgelyada, horumarka, doorashooyinka xorta iyo xalaasha ah, dimuquraaddiyadda  iyo wax-wada qabsiga. Isagoo madaxweynuhu uga mahadnaqay xubnaha weftiga booqashada ay ku yimaadeen dalka.

Dhinaca weftiguna waxa ay madaxweynaha Qaranka iyo shacbiga Somaliland uga mahadnaqeen sida qiimaha leh ee ay ugu soo dhaweeyeen dalka una qaabileen, iyagoo xusay inay goobo badan booqdeen intii ay dalka ku sugnaayeen wakhtiyo  kala duwanna ay qaar ka midi  dalka yimaadeen balse wakhtigaasi ahaa markii dalku ka soo kabanayey burburkii dagaallada, maantase la joogo wakhti horumar badani ka muuqdo dalka, iyaguna ay xog-ogaal u ahaayeen isbeddellada iyo horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay muddadaas.

Waxaanay ku bogaadiyeen dawladda iyo shacbigaba Jamhuuriyadda Somaliland horumarka ay ka gaadheen nabadgelyada, dimuquraaddiyadda iyo maamul-wanaagga, waxaanay muujiyeen inuu dalku yahay mid nabdoon oo wax-la-la qabsankaro. iyagoo madaxweynaha la wadaagay in indhaha caalamku u soo jeedaan horumarka ka socda Somaliland, in badan oo ah nasteexa Somaliland ahina ku diirsadaan horumarka iyo isku tiirsanaanta iyo wada-shaqaynta shacabka iyo Dawladda, waxaanay soo jeediyeen in halkaa laga sii wado guulahaa sababay in caalamku indhaha la raaco Somaliland.

Waxaana Madaxweynaha kulanka ku wehelinaayey Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibeda iyo iskaashiga Caalamiga ah, Dr Ciise Keyd Maxamuud, Horumarinta Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Maraykanka Amb. Bashiir

Dhinaca Weftiguna waxay ka koobnaayeen Mr.Tibor Nagy, Kaaliyihii hore Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka u qaabilsanaa Afrika, Ambassador J.Peter Pham, Ergaygii hore ee Maraykanka u qaabilsanaa qaybo ka mida Galbeedka Afrika gaar ahaan gobolka Sahel, Taliyihii hore ee Ciidamada Maraykanka ee Afrika (Africom) General William Ward iyo Mr Joshua Meservey, oo ka socda Heritage Foundation Kuna takhasusay siyaasadda Afrika iyo Bariga Dhexe.”

blank blank blank blank blank blank blank blank blank

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories