HomeMadaxweynaha Somaliland oo Qaabilay Xildhibaanno uu horkacayo Cabdikariim Axmed Mooge

Madaxweynaha Somaliland oo Qaabilay Xildhibaanno uu horkacayo Cabdikariim Axmed Mooge

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Cabdi oo ay weheliyaan wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo xubno kale oo ka tirsan golihiisa wasiirrada, ayaa qaabilay xubno ka tirsan xildhibaannada Cusub ee loo doortay Golaha Deegaanka Hargeysa.

Xildhibaannada Golaha Deegaanka Hargeysa ee madaxweynuhu qaabilay oo ah murashaxiintii ka soo kala baxday xisbiyada Qarana oo uu horkacayo Cabdikariim Axmed Mooge oo ah murashaxii ugu codka badnaa abid ee ku soo baxa Goleyaasha deegaannada dalka, ayaa kulankoodu daba-socdaa codsi madaxweynuhu isugu yeedhay.

blankKulanka ayaa daba-socda kaddib markii labadii maalmood ee u dambeeyey ay soo baxaysay loolan adag oo loogu jiro hoggaanka Goleyaasha deegaanka Hargeysa oo ay kulamo is-xulafaysi ah ka yeesheen labada xisbi Mucaarad iyo UCID oo ku guulaystay aqlabiyadda kuraasta goleyaasha deegaaka iyo Wakiillada deegaanka Doorashadii isku-sidkaynayd ee dhawaan ka qabsoontay dalka.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ujeeddada kulanka uu isugu yeedhay jawaab u tahay rabitaanka Cabdikariim Axmed Mooge ku sheegay inuu xaq u leeyahay Maayarnimada magaalada Hargeysa maadaama uu yahay murashaxii ugu cod ka badnaa magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu xildhibaannada u ballan-qaaday inuu ku garab-joogsanayo wax kasta oo ay xaq u leeyihiin maadaama ay ku yimaaddeen codka shacabka iyadoo taas loo marayo sharciga dalka u yaalla.

Waxa kale oo kulanka ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo sharraxaad ka bixiyey xidhiidhka shaqo ee ka dhexeeya Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Goleyaasha Deegaanka dalka.

Waxa kale oo halkaas ka hadlay Xildhibaan Cabdikariim Axmed Mooge oo madaxweynaha uga mahad-celiyey kulanka uu isugu yeedhay oo uu ku tilmaamay mid magac iyo karaamo u soo jiiday madaxweynaha Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories