HomeMadaxweynaha Somaliland oo Qaabilay Wufuud ka Qayb-gashay Furitaanka Wejiga 1aad ee Dhismaha...

Madaxweynaha Somaliland oo Qaabilay Wufuud ka Qayb-gashay Furitaanka Wejiga 1aad ee Dhismaha Dekedda Berbera

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa qaabilay wufuud kala duwan oo dalka u timi ka-qayb-galka xafladda furitaanka wejiga 1aad ee mashruuca ballaadhin iyo Casriyeynta Dekedda Berbera.

blankMadaxweyne Muuse Biixi oo 24-kii saacadood ee u dambeeyey ku sugnaa magaalada Berbera, waxa uu xarunta gobolka Saaxil ku soo dhaweeyey Wufuud ka kala socda Dalalka Ethiopia iyo Guinea Bissau oo halkaas u gaadhay ka qayb-galka xafladda furitaanka Dekedda oo maanta ku qabsoontay gudaha Dekedda Berbera.

blankWeftiga ka socda dalka Guinea Bissau waxa hoggaaminaya Raysal-wasaarihii hore ee dalkaas Baciro Djá oo marti-qaad ka helay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi.

Weftiga ka socday dalka Ethiopia waxa xubno ka ah Wasiirka Maaliyadda dalka Ethiopia Md Axmed Shide, Wasiirka Gaadiidka Degmawit Moges iyo madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar.

blankDalka Ethiopia ayaa saami dhan boqolkiiba 19 ku yeeshay dekedda Berbera, kaddib markii ay gacan-ku-haynta maamulka iyo gacan-ku-haynta Dekedda Berbera la wareegtay Shirkadda DP World oo $400 Milyan ku maalgelisay Casriyeynta iyo Ballaadhinta Dekedda.

blank

Xafladda Furitaanka wejiga 1aad ee Casriyeynta Dekedda Berbera, ayaa Khamiista maanta ku qabsoontay gudaha dekedda Berbera, waxaana ka sokow wufuudda ka timi dalalka Ethiopia iyo Guinea Bissau, ka qayb-galay masuuliyiin ka tirsan shirkadda DP World, marti-sharaf kale oo ka kala timi dalalka Caalamka iyo masuuliyiin ka tirsan Dowladda Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories