HomeMadaxweynaha Somaliland oo qaabilay Wefti ka socday Hay'adda Cuntada ee FOA iyo...

Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay Wefti ka socday Hay’adda Cuntada ee FOA iyo Ujeeddada Socdaalkoodu la xidhiidho

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

kulakaHargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabbilay Wefti sare oo ka socda Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan wax-soo-saarka cuntada iyo Xoolaha ee FOA oo socdaal shaqo oo muhiim ah ku yimi Caasimadda Hargeysa.

Kulankaas maanta waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Wasaaradda Beeraha Prof. Faarax Cilmi Geedoole, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Cabdillaahi Ismaaciil Faarax iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali.

Wasiirrada Wasaaradaha Beeraha iyo Qorshaynta Qaranka Somaliland oo soo dhaweeyey Weftigaas, ayaa kulankaas ka dib waxay shir jaraa’id iyaga iyo Madaxa Hay’adda FOA ee Geesku wada-jir ugu qabteen xarunta Madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa. Waxaanay Wasiirradu sharraxeen ujeeddada Weftiga iyo muhiimadda hawlaha ay dalka u yimaaddeen.

qqWasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Prof: Faarax Cilmi Geedoole oo ugu horreyn Shirkaa Jaraa’id ka hadlay, waxa uu yidhi; “Waxaannu maanta ku soo dhawaynay Madaxtooyada Wefti ka socda Hay’adda FOA, oo ah Madaxa FOA ee Somaliland iyo Somaliland oo weliba ah Madaxa FAO ee Kenya, isla markaana ah Madaxa FOA ee gobolka Geeska Mr. Luca Alinovi iyo Ku-xigeenkiisa, oo Salaan ugu yimi Madaxweynaha. Weftigaas oo nagala soo qaybgalay dhawr arrimood oo ah toddobaadkii Sugnaanta Cuntada iyo Biyaha Somaliland, isla markaana u yimi inuu furo Mashaariic ay ka sameeyeen Waddanka. Waxa kale oo uu u yimi si aannu uga wadahadalno arrinta Ayaxa.”

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inay Hay’adda FOA tahay mid dhinacyada kala duwan ee wax-soo-saarka kala shaqaysa Somaliland, wada-shaqayntaas oo uu rejeeyey inay halkaa ka sii korto oo ay noqoto mid yeelata waxtar si aad ah u muuqda.

“Sidaad giddigiin-ba la wada socotaan, iskaga fillaanshaha xagga cuntadu waa Siyaasadaha innoo mudan, Hay’adda FOA-na waa Hay’adaha ugu waaweyn ee innaga caawiya sidii aynu ula soo bixi lahayn dalag innagu filan hadday noqoto xagga Beeraha, Xoolaha iyo Kalluunka intaaba way innagala shaqeeyaan oo wada shaqayn ballaadhan baynu leenahay, waxaanan rejaynayaa runtii inay wada-shaqayntaas iyo wax-tarkaasi inuu noqdo mid halkaas ka sii kora oo sii ballaadha.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Qorshaynta Somaliland Sacad Cali Shire.

Madaxa- Hay’adda FOA u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya sidoo kalena ah Madaxa Kenya u qaabilsan ahna Madaxa Geeska ee FOA, Mr. Luca Alinovi, oo shirkaa jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay inuu aad iyo aad ugu faraxsan yahay sida ay Wasiirrada iyo Madaxweynaha Somaliland ugu soo dhaweeyeen Caasimadda Hargeysa, isaga oo xusay in Madaxweyna Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu xusay inuu Salaan ugu tegay u qaabbilay si qiimo sare leh oo uu sheegay inuu aad ugaga mahad-celinayo.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories