HomeMadaxweynaha Somaliland oo Qaabilay Madaxda Brenthurst Foundation iyo Siyaasiyiin Caalami ah

Madaxweynaha Somaliland oo Qaabilay Madaxda Brenthurst Foundation iyo Siyaasiyiin Caalami ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay madaxda Macadka BRENTHURTS FOUNDATION oo ay wehelinayaan siyaasiyiin iyo haldoor kale oo caalami ah, kuwaas oo kasoo qaybgalay shir Caalami ah uu machadku shalay ka furay caasimadda Hargeysa.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu hoggaanka Machadka Brenthurst Foundation uga mahadnaqay sida ay ugu dhiirradeen inay Somaliland u doortaan inay noqoto dalkii ugu horreeyey Geeska Afrika ee ay shirkan caalamiga ah oo lagaga hadlo arrimaha Afrika ku qabtaan, isaga oo xubnaha caalamiga ah ee daafaha adduunka isaga yimi ee shirka qaybta ka ahaana uga mahadnaqay kasoo qaybgalkooda.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka intii uu kulanku socday waxa uu Madaxweynuhu ku dheeraaday horumarka ku dhisan iskaashiga iyo wada jirka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xukuumadihii kala danbeeyey ay ku tallaabsadeen ee sababay in maanta caalamku u tartamo Somaliland, haday tahay maalgashi iyo shirarba sidii ay wax ula qaybsan lahaayeen.

Dhinacooda, madaxda Machadka BRENTHURST FOUNDATION, ayaa ka markhaati kacay horumarka iyo dawladnimada ka hanaqaadday Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo ay ku sheegeen inay sabab u tahay inay shirkooda u doortaan Sannadkan Caasimada Somaliland ee Hargeysa, iyaga oo intaas raaciyey inay Somaliland ku arkeen waxyaabo badan oo soo jiitay oo ay ugu horayso nabadgelyada iyo isku tiirsanaanta guud.

blankMacadka Brenthurst Foundation, ayaa shalay caasimadda Hargeysa ku qabtay shir caalami ah oo ay kasoo qaybgaleen aqoonyahanno, cilmi-baadheyaal, siyaasiyiin, warbaahin caalamiya iyo haldoor kale oo ka socda in ka badan 17 waddan oo adduunka ah, waxana lagaga dooday Amniga, dawlad-dhiska iyo dhaqaalaha Afrika.

Madaxweynaha Somaliland waxa kulanka ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirrada wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Mudane Maxmaed Kaahin Axmed, Warfaafinta wacyigelinta iyo dhaqanka, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Gashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Cateeye, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibeda iyo iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdinaasir Cumar Jaamac ahna ku simaha Wasiirka Arrimaha Dibeda, Agaasimaha Guud ee Arrimaha dibeda, Mudane Maxamed Cabdilaahi Ducaale, La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibeda iyo Siyaasi Baashe Cawil Cumar.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories