HomeMadaxweynaha Somaliland oo Qaabilay Dhalinyaro Maqalka Naafo ka ah oo ku guulaystay...

Madaxweynaha Somaliland oo Qaabilay Dhalinyaro Maqalka Naafo ka ah oo ku guulaystay Tartan Jabuuti lagu qabtay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qaabilay kooxda kubbadda cagta ee xaga maqalka ama dhegoolayaasha oo kasoo jeedda gobolka Awdal, kuwaas oo ku guulaystay tartan ka qabsoomay dalka Jabuuti.

Kooxdan oo guul toddoba gool iyo Eber ah kasoo hoysay ciyaar kama dambays ahayd oo ay la yeesheen koox ka dhisan dalka Jabuuti, ayuu madaxweynuhu qaabilay iyaga oo sita koobkii ay kusoo guulaysteen, waxana uu ku ammaanay dedaalka ay ku hanteen guushaas ay kor ugu qaadeen magacii qarankooda iyo koodiiba.

blankMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kooxdan soo guulaysatay ku bogaadiyey dedaalka ay sameeyeen iyo guusha ay soo hooyeen, waxana uu sheegay inay qaran ahaan libin iyo wax lagu dhaato u tahay guusha ay kooxdani kasoo hoysay tartankii lagu qabtay dalka Jabuuti, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waan idin soo dhaweynayaa, waan idin hambalyeynayaa, waan idiin ducaynayaa, waannu idinku faanaynaa, waana idinku dhaadanaynayaa, aad iyo aadna waanu ugu faraxsannahay sida aad wax usoo qabateen, kartidiina iyo sharaftiina.”

Madaxweynuhu waxa uu ammaanay awoodda iyo hibada ku lammaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo sida ay waajibka u tahay inuu qaranku uga faa’iidaysto, isaga oo kula dardaarmay inay sii laban-laabaan dedaalkooda iyo soo bandhigidda awoodahooda qarsoon.

Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaraha, Mudane Boos Mire Maxamed, ayaa isaguna dhankiisa hambalyeeyey kooxdan xaga maqalka ama dhegoolayaasha ah oo marka horeba ahayd horyaalka kubbadda cagta ee kooxaha dhegoolayaasha ee ku dhaqan gobollada dalka. Waxa sidoo kale halkaasi ka hadlay oo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uga mahadnaqay qaabilaada uu ku qaabiley iyo dhiirigelinta uu u muujiyey dadka baahiyaha gaarka ah qaba guddoomiyaha horyaalada heerka koowaad ee Somaliland, Mudane Samaroon Cabdilaahi Cilmi, gudoomiye ku xigeenka dadka bahiyaha gaarka ah qaba mudane Geelle Rashiid Xuseen iyo kabtanka kooxda ku soo guulaysatay koobkii jabuuti u qabatay kooxaha dhegoolayaasha, Kabtan Sayid Maxamed Axmed.

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories