HomeMadaxweynaha Somaliland Oo Muddeeyey Wakhtiga Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka

Madaxweynaha Somaliland Oo Muddeeyey Wakhtiga Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa xeer madaxweyne oo uu maanta soo saaray ku muddeeyey xilliga ay dalka ka qabsoomayso diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka dalka.

Xeerka Madaxweynaha oo sumaddiisu tahay Lr. 18/122022, Ujeeddada uu xambaarsan yahayna tahay Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha, ayaa madaxweynuhu ku soo saaray codsi uga yimi Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo 7-dii bishan December madaxweyne Biixi u gudbiyey qoraal ay ugu soo jeediyeen ku dhawaaqista wakhtiga dalka laga bilaabayo Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo ku beegan 28-ka Bishan December.

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 44aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Xeer Lr. 91/2020;

Markaan Helay: Qoraalka Soo-jeedinta ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay KDQ/XK-6/019/2022, kuna taariikhaysan 07/12/2022, ujeeddadiisuna tahay, Ku-dhawaaqidda Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha;

Markaan Ku-qancay: Soo-jeedinta wakhtiga qabashada Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka;

Waxaan Go’aamiyey;

In Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinku ka-bilaabanto Dalka Jamhuuriyadda Somaliland Maalinta Arbacada ee taariikhdu tahay 28/12/2022.” Sidaas ayuu madaxweynuhu ku yidhi wareegtada uu ku soo saaray xeerka madaxweyne ee uu ku muddeeyey xilliga dalka laga qabanayo Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ay ka hadhsan tahay wakhti ka yar saddex toddobaad.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories