HomeMadaxweynaha Somaliland Oo muddeeyey Doorashooyinka Ururrada Siyaasadda iyo Madaxtooyada

Madaxweynaha Somaliland Oo muddeeyey Doorashooyinka Ururrada Siyaasadda iyo Madaxtooyada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto uu maanta soo saaray ku muddeeyey wakhtiga la qabanayo Doorashooyinka Ururrada Siyaasadda iyo Madaxtooyada.

Madaxweyne Biixi oo wareegtadiisu tixraacayso go’aan badhtamaha bishii July ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka oo qabsoomidda labada doorasho u kala muddeeyey dhammaadka sannadkan iyo dabayaaqada Sannadka Dambe.

Wareegtada madaxweynaha ayaa u qornaa sidan:- “Xeer Madaxweyne Lr. 22/082023

Cayimaadda Muddada Qabsoomidda Doorashooyinka Xisbiyada Qaranka iyo Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka.

Markaan Arkay;  Qodobka 16aad Farqaddiisa 1aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha, Xeer Lr. 91/2020, oo dhigaya in Komishanka Doorashooyinku awood u leeyahay inuu cayimo wakhtiga doorashooyinka la qabanayo, iyagoo Madaxweynaha u gudbinaya si uu Degreeto ugu soo saaro;.

Markaan Arkay;   Qodobka 6aad Farqaddiisa 1aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha, Xeer Lr. 91/2020, oo dhigaya in Komishanku uu cayimayo taariikhaha la qabanayo Doorashooyinka si waafaqsan Dastuurka iyo Xeerka, iyaga oo ku salaynaya bil ka hor muddo-xileedka Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo Golaha Wakiillada, waxaana si rasmi ah loogu cayimayaa Degreeto Madaxweyne;.

Markaan Helay; Qoraalka Summaddiisu tahay Tix: KDG/XK/K-6/56/2023, kuna taariikhaysan 05/08/2023, qoraalkaasi oo uu komishanku ku soo gudbiyay Go’aanka Sumaddiisu tahay Tix; KDG/XK/K-6/54/2023, kuna taariikhaysan 17/07/2023, kaasi oo Komishanku ku Go’aamiyay Qodobbadan;

  1. In doorashada Xisbiyada Qaranka la qaban doono taariikhdu markay tahay 28 December 2023, si loo helo Saddex Xisbi Qaran oo ansaxsan, lana siiyo Shahaadada Xisbinimo ee tobanka (10) sanno ah, si waafaqsan Qodobka 5aad Farqaddiisa 3aad xarafka (j) ee Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr. 14/2011;.
  2. In doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxawynaha la qaban doono bil ka hor dhammaadka muddada xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka, sida ku xusan Qodobka 83aad Farqaddiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, kuna beegan 13 November 2024, iyada oo la raacayo go’aanka muddo kordhinta Golaha Guurtida ee tix-raaciisu yahay GG/JSL/G-03/10/2022, kuna taariikhaysan 01/10/2022;

Waxan Go’aamiyey

  1. In Doorashada Xisbiyada Qaranku ka qabsoonto dalka Jamhuuriyadda Somaliland taariikhdu markay tahay 28 December 2023.
  2. In Doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka dalka Jamhuuriyadda Somaliland ka qabsoonto taariikhdu markay tahay 13 November 2024.” Sidaas ayey u dhignayd wareegtada madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Go’aanka Madaxweynuhu ku ayyiday muddada qabsoomidda doorashooyinka, ayaa ku soo beegmaya xilli uu dalka ka taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo ka shidaal-qaadanaya kala-horeynta doorashooyinka Ururrada iyo Madaxtooyada.

Xisbiga Mucaaradka ah ee Somaliland, ayaa ku doodaya in la soo horaysiiyo doorashada madaxtooyada maadaama oo aanu jirin sharcigii lagu qaban lahaa qabsoomidda doorashada ururrada siyaasadda.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories