HomeMadaxweynaha Somaliland oo Masuuliyiin Xilalka ka qaaday, qaar cusubna Magacaabis

Madaxweynaha Somaliland oo Masuuliyiin Xilalka ka qaaday, qaar cusubna Magacaabis

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Si Adag Uga Hadlay Shirkii Soomaaliya loogu qabtay Brussels iyo Kulankii Farmaajo & FaysalMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/XM/WM/222-172/072018, uu xil ka qaadis, magacaabid iyo isku-bedel ku sameeyey masuuliyiin ka mida xukuumaddiisa.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Markaan Arkay:          Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay:          Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay:  In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:    La-tashi Ballaadhan;

 

Waxaan Go’aamiyey;

 

  1. In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:
Tir Magaca Xilka
1. Admiral Guuto Maxamed Xuseen Faarax Xiirane Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha
2. Mustafe Godane Cali Bile Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska
3. Cabdirashiid Xuseen Cabdille Gargaar Guddoomiyaha Gobolka Sool
4. Amaal Cabdi Xasan Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada

 

 

[

  1. In laga bilaabo taariikhda maanta aan mas’uuliyiintan u beddelo xilalkan:

 

Tir Magaca Xilka
1. Admiral Guuto Cabdi Xirsi Ducaale La-taliyaha Madaxweynaha ee Maamulka iyo Amniga Badda
2. Dr. Cismaan Xuseen Warsame Cabdi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta

 

 

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

 

  1. Ku: Mudane Cali Maxamed Cali Nuur,

       Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta

 

Og: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta

 

 

Mudane,

 

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo dhiibo hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay ee Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta.

 

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad-sami ah ugu wareejiso Mudane, Dr. Cismaan Xuseen Warsame Cabdi oo ah Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta.

 

Sidoo kale, waxaan farayaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta in uu u kala wareejiyo labada mas’uul xilka, sida ugu dhakhsaha badan.

 

 

 

 

 

 

 

 

  1. Ku: Mudane Cabdi Khayre Dirir,

       Guddoomiyaha Gobolka Sool

 

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

 

Mudane,

 

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay ee Guddoomiyaha Gobolka Sool.

 

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad-sami ah ugu wareejiso Mudane, Cabdirashiid Xuseen Cabdille (Gargaar) oo ah Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Sool.

 

Sidoo kale, waxaan farayaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha in uu u kala wareejiyo xilka labada mas’uul, sida ugu dhakhsaha badan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories