HomeMadaxweynaha Somaliland oo Masuul Cusub u magacaabay Hay'adda Duulista Hawada

Madaxweynaha Somaliland oo Masuul Cusub u magacaabay Hay’adda Duulista Hawada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
blank
Maareeyaha Cusub ee hay’adda Duulista Hawada Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegtooyin is-xambaarsan oo uu maanta soo saaray ku sameeyey xilka-qaadis iyo magacaabista Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Hawada Somaliland.

Wareegtooyinka madaxweynuhu soo saaray oo sumaddadoodu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-642/03/2021 iyo JSL/XM/WM/222-643/03/2021 isla markaana uu ogeysiin siiyey Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, waxa uu xilka kaga qaaday Maareeyihii hay’adda Duuliska Hawada Cabdi Maxamed Rodol.

Waxaanu beddelkiisa magacaabay Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan Qalinle inuu noqdo Maareeyaha Cusub ee hay’adda Duulista Hawada ee Somaliland.

“Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.” Sidaas waxa lagu sheegay wareegtada uu madaxweynuhu xilka kaga qaaday Maareeyihii hore ee hay’adda Duulista Hawada.

blank
Maareeyihii hore ee Hay’adda duulista Hawada

Duuliye Sare Cabdi Maxamed Rodol, Maareeyihii hore ee hay’adda Duulista Hawada Somaliland, ayaa xilkaas hayay muddo Saddex sanno iyo Dheeraad, waxaanu ka mid ahaa masuuliyiintii u horreeyey ee dhismaha xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi markii uu u guulaystay talada dalka doorashadii madaxtooyada oo ku beegnayd dabayaaqadii sannadkii 2017-kii.

Masuulka loo magacaabay Hay’adda Duulista Hawada Cumar-Sayid Cabdillaahi Aadan, ayaa ahaa Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.

Booska Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka, ayaa ku soo biiraya Dhowr Boos oo ka bannaan Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo aanu ilaa immika cid u magacaabin.

Boosaska ka bannaan xukuumadda madaxweyne Biixi waxa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Afhayeenkii madaxweynaha oo labadoodu xilalka iska casilay, kaddib markii ay shaaciyeen inay u tartamayaan Doorashada Golaha Wakillada Somaliland.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories