HomeMadaxweynaha Somaliland Oo Markii u horeysay Ka Hadlay Madaxweynaha Cusub ee loo...

Madaxweynaha Somaliland Oo Markii u horeysay Ka Hadlay Madaxweynaha Cusub ee loo Doortay Kenya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay Doorashadii ka dhacday Dalka Kenya.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, wuxuu sheegay in Somaliland iyo Kenya leeyihiin xidhiidh qoto dheer isla-markaana yihiin Qiyam wadaag, sidaa darteed uu Hambalyeeyay William Ruto oo loo doortay Madaxweynaha Kenya hoggaamin doona 5-ta sanadood ee soo socda.

Madaxweynaha Somaliland oo qoraalka Hambalyada ah ku baahiyey bartiisa Twitter-ka, ayaa yidhi “Hambalyo, Mudane Dr.William Ruto, waxaan idinku hambalyeynayaa caleemo-saarka Madaxweynaha 5-aad ee Jamhuuriyadda Kenya.”

Madaxweyne Muuse Biixi, wuxuu sheegay in Somaliland iyo Kenya leeyihiin xidhiidh qoto-dheer oo soo jireen ah “Somaliland iyo Kenya waxa ka dhexeeya qiyam iyo xidhiidh taariikhi ah, waxaanan rejaynayaa in aan idinkala shaqeeyo xoojinta xidhiidhkeena soo jireenka ah…” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha cusub ee Kenya oo Shalay xilka loo dhaariyey, ayaa doorashada kaga guulaystay Hoggaamiyihii Xisbiga Mucaaradka Raila Odinga, kaasi dhowr jeer fagaareyaal ka sheegay siduu u taageersan yahay qadiyadda Madax-banaanida Somaliland, waxaanu sannadkii 2020 uu Magaalada Nairobi ku soo dhaweeyay Wefti uu hoggaaminayey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, xilligaasna wuxuu mar kale muujiyey sida uu ula dhacsan yahay qadiyadda Somaliland.

Sidoo kale,adaxweynaha cusub ee Kenya William Ruto oo hore u ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Uhurru Kenyatta, ayaa isaguna buug uu ka qoray nidaamka dimuqraadiyadda Afrika, wuxuu amaan ugu jeediyey Somaliland, isagoo soo jeediyey in Dalalka Afrika ay Somaliland kaga daydaan ku dhaqanka wanaagsan ee nidaamka dimuqraadiyadda, doorashooyinka iyo sida Nabadgalyada ah ee xukunka la iskugu wareejiyo.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories