HomeMadaxweynaha Somaliland oo Magacaabay Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda

Madaxweynaha Somaliland oo Magacaabay Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta magacaabay Guddiga Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda oo ka kooban toddoba xubnood.

Wareegto uu soo saaray madaxweynaha Somaliland oo sumaddeedu tahay JSL/XM/WM/222-814/01/2022, waxa uu ku Md Muuse Biixi magacaabista xubnahan u cuskaday Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 3aad ee Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda, Xeer Lr. 14/2011, Qaraarka Maxkamadda Dastuurka ee Summaddiisu tahay MSD/DDL/01/2022, kuna taariikhaysan 16/01/2022; Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda isla markaana uu ku qancay In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan.

blank
madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi

Toddobada xubnood ee madaxweynuhu u magacaabay Guddiga Diiwaangelinta Ururrada siyaasadda, ayaa kala ah Maxamuud Axmed Obsiiye, Siciid Maxamed Cilmi, Muxiyaddiin Yuusuf Ibraahim, Aadan Geedi Qayaad, Cabdalle Ibraahim Maxamed, Mukhtaar Cabdi Jaamac, Maxamed Xasan Cabdi Badde.

Guddigan oo noqonaya guddigii saddexaad ee loo magacaabo guddiga diiwangelinta ee ururrada siyaasadda, ayaa la filayaa inay iska dhex-doortaan maamulka hoggaamin doona hawl-qabadka guddiga.

Saddexda Xisbi Qaran ee xilligan, Kulmiye, UCID iyo Waddani, ayaa muddo-xileedkooda oo 10 sanno ahi ku egyahay dhammaadka sannadkan, waxaana la filayaa in diiwaangelinta ururrada siyaasaddu bilaabmay bisha Lixaad ee sannadkan, maadaama oo xeerka Furista ururrada ee Xeer Lr14 dhigayo in diiwaangelinta ururrada siyaasadda la furo lix bilood ka hor wakhtiga uu ku egyahay muddo-xileedka Xisbiyada Qaranka.

Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo Waddani, ayaa ka soo horjeeda furista ururrada siyaasadda, waxaanay madaxweynaha ku eedeeyeen inuu furistooda uga dan leeyahay sidii uu meesha uga saari lahaa labada xisbi isla markaana uu u soo saari lahaa laba xisbi oo aan awood mucaaradeed lahayn.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories