HomeMadaxweynaha Somaliland oo maalinta Salaasada u muddeeyey Fadhiga ugu horeeya ee Golaha...

Madaxweynaha Somaliland oo maalinta Salaasada u muddeeyey Fadhiga ugu horeeya ee Golaha Wakiillada Cusub

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost)- Golaha Wakiillada cusub ee Somaliland, ayaa maalinta Saalada ee todobaadkan yeelanaya fadhigoodii u horeeyey, sida uu sheegay Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo xeer-madaxweyne ku muddeeyey wakhtiga ay yeelanayaan fadhigooda.

Sida uu dhigayo Dastuurka Somaliland, madaxweynaha ayaa muddo bil gudaheed ah, oo ka soo bilaabmaysa maalinta ay Maxkamadda Sare Ansixiso natiijada rasmiga ah ee Doorashada iyo xildhibaannada ku soo baxay, waxa uu ku muddeynayaa xilliga uu noqonayo fadhiga ugu horreeya ee goluhu isugu imanayo.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi

Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa 07/07/2021 ansixisay, isla markaana si rasmi ah ee Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland oo dalka ka qabsoontay 31-kii May 2021-ka.

Haddaba, madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta soo saaray Xeer uu ku muddeeyey wakhtiga uu goluhu qabsanayo fadhigooda u horreeya oo uu u cayimay maalinta Saalasada oo ku beegan 3-da bishan August 2021.

Wareegtada madaxweynuhu ku shaaciyey xeerka madaxweyne ee uu isugu yeedhay xildhibaannada golaha Wakiillada cusub, ayaa u qornaa sidan:-

“Xeer Madaxweyne Lr. 13/082021

Isugu Yeedhidda Golaha Wakiillada Cusub

Markaan Arkay: Qodobka 44aad, Faqradiisa 1aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo tilmaamaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland isugu yeedhayo Fadhiga ugu horreeya ee Golaha Wakiillada cusub;

Markaan Arkay: Qaraarka Maxkamadda Sare ee summaddiisu tahay MS/GDD/28/2021, kuna taariikhaysan 07/07/2021, ujeeddadiisuna tahay Ansixinta Natiijada Doorashada Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Tix-geliyey: Muhiimadda uu leeyahay fadhiga ugu horreeya ee Mudanayaasha Golaha Wakiilladu, si ay u maraan dhaarta Dastuuriga ah, isla markaana iskaga dhex-doortaan Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, si waafaqsan Faqradda 3aad ee Qodobka 44aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Waxaan Go’aamiyey;

In Fadhiga ugu horreeya ee Golaha Wakiillada cusub ee dhawaan la doortay uu qabsoomo maalinta Salaasada ee ku beegan 03/08/2021, saacaddu marka ay tahay 09:00 Subaxnimo. Fadhigaasina waxa uu ka qabsoomi doonaa Xarunta Golaha Wakiillada ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland.” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories