HomeMadaxweynaha Somaliland oo lagu Qaabilay Aqalka Baarlamaanka Maraykanka ee Capitol Hill

Madaxweynaha Somaliland oo lagu Qaabilay Aqalka Baarlamaanka Maraykanka ee Capitol Hill

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Washington (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisa oo ku guda jira safarkoodi Maraykanka maalintii Afraad ayaa la kulmay Xildhibaano ka tirsan Aqalka Odayaasha ee Baarlamaanka Maraykanka.

blankMadaxweyne Biixi oo ay weheliyaan Wasiirradiisa arrimaha Dibadda iyo Gudaha iyo Safiirka Somaliland ee Maraykanka, waxa ay kulan la qaateen Xildhibaan Chris Van Hollen ahna Gudoomiyaha Guddi hoosaadka, Guddida Arrimaha Dibeda ee Aqalka Odayaasha u qaabilsan Afrika iyo Xildhibaan kale oo ka tirsan Aqalka hoose ee Maraykanka, Adam Smith, ahna gudoomiyaha Guddida Adeega Ciidamada ee Golaha Wakiiladda Maraykanka.

Kulankan oo ka dhacay Aqalka Baarlamaanka Maraykanka ee Capital Hill, waxa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisa qado Sharaf ugu sameeyey Senator Chris Van Hollen oo ay wehelinayeen masuuliyiin kale, waxaana kulankaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Maraykanka, iskaashiga dhinaca horumarinta iyo ilaalinta duur-joogta iyo deegaanka.

blankDhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxa isla Capital Hill kula kulmay xidhibaan Adam Smith, waxaanu xildhibaanka ku qaabiley weftiga madaxweynaha xafiiskiisa, iyadoo kulankaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka laba dal iyo amniga mandaqada geeska Afrika iyo gaar ahaan iskaashiga amniga Somaliland iyo Maraykanka.

Madaxweynaha Qaranka Somaliland waxa uu u mahadnaqay baarlamaanka Maraykanka dedaalka ay la barbar taagan yihiin Qaranka Somaliland iyo Taageerada ay marwalba u muujiyaan sidii ay Somaliland u noqon lahayd dal adduunyada ka mid noqda oo ka hela wixii ay xaq ugu leedahay.

blankUgu danbayn waxa ay laba xildhibaan isku mawqif ka noqdeen in safarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisu ku yimaadeen dalka Maraykanka uu ku soo beegmay wakhtigii loo baahnaa, kaas oo ah mid wax weyn ka taraya qadiyada madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories