HomeMadaxweynaha Somaliland Oo Lacago Guddoonsiiyey 988 Qof oo ka mid ah Ganacsatadii...

Madaxweynaha Somaliland Oo Lacago Guddoonsiiyey 988 Qof oo ka mid ah Ganacsatadii Suuqa Waaheen.

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta daah-furay Barnaamuj ballaadhan oo Lacago loo qaybinayo dadkii ugu haynta hooseeyey ganacsatadii dhawaan hantidii ku gubatay dabkii suuqa Waaheen, si loo ganacsigoodii mar kale dib ugu bilaabaan.
blank
Munaasibadda qaybinta lacagta oo lagu qabtay qasriga madaxtooyada oo ay madaxweynaha ku wehelinayeen madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), xubno kamid ah golaha wasiirrada, guddida ganacsatada suuqa Waaheen, ayey ujeeddadeedu ahayd in hawlgalka Ballaadhan ee dib loogu xoolaynayo dadkii hantidoodu ku waayey suuqa Waaheen lagu ibo furo ganacsatadii danyarta ahayd oo tiro koob lagu sameeyey, kuwaas oo ganacsigooda lagu qiimeeyey inta u dhaxaysa $73 ilaa $5,000 oo doollarka Maraykanka ah.

Ugu horrayn waxa madasha ka hadlay guddoomiyaha rugta ganacsiga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Jamaal Caydiid Ibraahim, waxana uu sheegay inay kala huf iyo u dhabbo-gal dheer kaddib soo xuleen 988-kii qof ee ugu haynta hooseeyey ganacsatadii ay hantidoodu ku gubatay suuqa Waaheen, isaga oo xusay inuu madaxweynaha qaranku ku taliyey in dadkaas danyarta ah muhiimadda koowaad la siiyo kuwaas oo hayntooda hore lagu qiimeeyey inta u dhaxaysa $73 Ilaa 5,000 (Saddex iyo toddobaatan doollar ilaa iyo shan kun oo doollar).

Ku-xigeenka duqa Caasimadda Hargeysa, Mudane Khadar Axmed Cumar, ayaa isaguna bogaadiyey tallaabaddan uu madaxweynuhu hoggaaminayo ee qaadhaanka loo ururiyey suuqa Waaheen lagaga fuudh yeelay dadkii danyarta ahaa ee suuqa ku ganacsan jirey, kuwaas oo maanta noqday ciddii ugu horraysay ee Lacago la guddoonsiiyo si ay ganacsigoodii dib ugu bilaabaan.

Xubno ku hadlay magaca dadka danyarta ah ee maanta lacagaha la guddoonsiiyey, ayaa madaxweynaha qaranka iyo xukuumaddaba ku ammaanay tallaabada ay lacagaha ku siisay, kagana dhigtay cidda ugu horraysa ee Lacago ay ganacsigoodii dib ugu bilaabaan la guddoonsiiyey.

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, ahna guddoomiyaha guddida gurmadka iyo taakulaynta suuqa Waaheen oo madasha hadallo ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday dedaalladii ay guddi ahaan ka sameeyeen sidii loo sugi lahaa tirada dadkii suuqa Waaheen ku ganacsan jirey, sida ay u kala jeeb roonaayeen iyo sidii ay u heli lahaayeen suuq ku-meel-gaadh ah oo ay ganacsigooda kusii wadan karaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo Afmeeray, ayaa ugu horrayn guddida gurmadka iyo taakulaynta suuqa Waaheen ku ammaanay sida xilkasnimada leh ee ay hawsha qaran ee loo igmaday u wadaan, waxana uu guud ahaanba shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay guddida la shaqeeyaan, wixii gurmad ah ee la ururinayona ay kusoo shubaan Akoonnada ay guddidu gacanta ku hayso, kana dheeraadaan wax kasta oo kala tafaraaruq ah xilligan adag ee lagu jiro.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa caddeeyey in guddida iyo xukuumadda oo is kaashanayaa isla qaateen in wejiga koowaad ee qaadhaan qaybinta muhiimad gaar ah la siiyo ganacsatadii ugu jeebka yarayd suuqa Waaheen, iyada oo kuwooda qiimaha hantidoodu ka hoosaysay Boqolka Doollar la siinayo Shan Boqol oo Doollar, waxana uu yidhi,“Go’aankii aynnu isla qaadanay wuxuu ahaa dadka wixii hantidoodu shan kun ka yarayd waxoodii oo dhan aynu u celino, wixii Boqol Doollar ka yarna aynu Shan Boqol oo Doollar wada siinno, waayo waa lacag ummaddu soo ururisay, waxana waajib ah in horta kuwa liita laga daryeello, maantana taasaynu fulin doonaa”

Lacagta maanta la qaybiyey waxa uu cadadkeedu dhamma $1,872,511 (Hal milyan siddeed Boqol, laba iyo toddobaatan kun, shan Boqol iyo kow iyo toban) Doollar, iyada oo 988-ka qof ee lasoo xulay 30-kamid ah uu madaxweynuhu gacantiisa ku siiyey, halka inta soo hadhayna iyo guddoomiyaha Baanka dhexe madaxweynaha hortiisa habka Electarooniga ah ugu diray.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories