HomeMadaxweynaha Somaliland oo la kulmay Wasiirka Cadaaladda Zambia iyo Arrimaha ay ka...

Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Wasiirka Cadaaladda Zambia iyo Arrimaha ay ka wada-hadleen Xidhiidhka labada waddan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Cadaaladda Zambia iyo wefti uu hoggaaminayo oo shalay socdaal ku yimi Hargeysa.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska warbaahinta madaxtooyada oo lagu faahfaahiyey arrimaha kulanka lagaga hadlay, ayaa u qornaa sidan:-

blank
Kulanka madaxweynaha somaliland iyo wasiirka cadaaladda zambia

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti uu hoggaaminayo wasiirka caddaaladda ee dalka Zambia, Mr Gavin Lubinda oo safar shaqo ku yimid Dalka.

Ugu horrayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xubnaha weftiga warbixin ka siiyey xaaladda guud ee dalka iyo halka uu maanta marayo oo ah mid ku timid iskaashiga shacbiga iyo dawladda ka dhexeeya, waxa kale oo uu u sheegay wasiirka taariikhda iyo jiritaanka dawladnimo ee Somaliland, inay tahay dal 1960-kii xornimadiisa ka qaatay boqortooyadii Ingiriiska, si xoriyad ahna ula midoobay Jamhuuriyaddii la isku odhan jiray Soomaaliya ee Talyaanigu gumaysan jiray, si loo abuuro Jamhuuriyad Soomaaliyeed oo ay u dhan yihiin shucuubta Soomaaliyeed ee ku dhaqan geeska Afrika, balse midawgaasi uu socon waayey, Somalilandna ay kala kulantay dhibaatooyin naf iyo maalba leh midawgii la doonayey in Soomaali odhan la mideeyaana uu fashilmay, sidaa awgeedna Somaliland waxay dib ula laabatay xornimadeedii iyo qarannimadeedii 1991-kii, taas oo macneheedu aanu ahayn gobol ka go’aya dalka intiisi kale, balse ay tahay laba dal oo la kala noqday xornimadoodii.

Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay qodobbo ay ka mid ahaayeen xoojinta xidhiidhka labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Zambia, taariikhda ay labada dal wadaagaan oo kasoo bilaabantay xilligii gumaysiga, taasoo keentay in dadka reer Somaliland ay ilaa maanta degganyihiin kuna dhaqan yihiin dalkaasi. Xidhiidhka labada dalna aanu cusbayn ee uu hore Somaliland laba jeer u yimi madaxweynihii hore ee dalka Zambia, Kenneth Kaunda oo xidhiidh wanaagsan oo saaxiibtinimo ka dhexeeyey Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa kaloo kulanka lagaga wada hadlay xidhiidh cusub oo dhexmari doona Somaliland iyo Zambia, salkana ku haya ganacsi iyo iskaashi dhaw oo ay yeeshaan labada dal.

Sidoo kale, intii kulanku socday waxa si toos ah khadka taleefanka ku wada hadlay labada madaxweyne ee labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynaha Zambia, mudane Edgar Chagwa Lungu, iyagoo ka wada hadlay labada madaxweyne xidhiidhka iyo danaha labada dal.

Ugu danbayntiina waxa uu kulankaasi ku doo dhammaaday isfahan iyo xidhiidh wadashaqayneed oo labada dal ay dardar-gelintiisa ka wadashaqayn doonaan.” sidaas ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay xafiiska warbaahinta madaxtooyada.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories