HomeMadaxweynaha Somaliland oo la kulmay Haweenka Murashaxiinta ku hadhay Tartankii Doorashooyinka

Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Haweenka Murashaxiinta ku hadhay Tartankii Doorashooyinka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay murrashaxiintii haweenka ahaa ee ka qaybgalay doorashooyinkii goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee dalka ka qabsoomay 31-May-2021, islamarkaana aan ku guulaysan kuraasidii ay u tartameen.

Ugu horrayn wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta reer miyiga, Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo halkaas ka hadashay, ayaa madaxweynaha ugaga mahadcelisay, kulanka uu la qaatay haweenka aan ku guulaysan damacoodii ahaa inay goleyaasha wakiillada iyo deegaanka kamid noqdaan, waxana ay caddaysay in kulankani ka yimi dhinaca madaxweynaha qaranka.

blankGudoomiyaha dallada haweenka ee NEGAAD, marwo Ismahaan Cabdisalaan Xasan halkaas ka hadashay, ayaa sharraxday dedaalkii ay xubnaha haweenka ee sharraxani u galeen sidii ay u guulaysan lahaayeen iyo sidii ay xukuumadda iyo ururrada kale ee haweenka taageeraba uga go’nayd inay hablahaasi guul soo hooyaan, waxana ay si guud haween ugu soo jeedisay inaanay niyad jabin, siina wadaan dedaalkooda.

Xubno kamid ah haweenkii murrashaxiinta ahaa ee aan guulaysan oo ay kamid yihiin, marwo Dalays Shire Faarax, Marwo Sacda Aw Muuse Axmed, Marwo Sucaad Carmiye Odowaa, Marwo Xaliimo Xuseen Yuusuf, Marwo Nimco Maxamed Cawaale, Marwo Amran Cali Bile iyo Muna Xuseen Khaliif oo ku hadashay magaca ururka HIIL HAWEEN oo halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday caqabadihii kala duwanaa ee ka qabsaday inay guul gaadhaan, waxana ay tilmaameen inay soo mareen jid dheer oo ay ka barteen casharro nololeed iyo kuwo siyaasadeed oo ay noloshooda dambe iyo mustaqbalkoodaba uga faa’iidaysan doonaan.

Professor Axmed Ismaaciil Samatar oo kamid ah aqoonyahanka waaweyn ee reer Somaliland, kana tirsan xisbiga KULMIYE, ayaa isaguna dhankiisa wax laga xumaado ku tilmaamay in xubno haween ah oo aqoon ahaan diyaarsani ay kusoo bixi waayaan kuraasidii ay tartankooda galeen, waxana uu xusay in haatan la gaadhay waqtigii laga gudbi lahaa dhammaanba caqabadaha ku gedaaman haweenka oo ka ballaadhan wax ay xukuumaddu kaligeed xallin karto.

Xildhibaan Xasan Dhuxul Laabsaalax oo kamid ah xildhibaannada golaha wakiillada ee xisbiga KULMIYE, ayaa haweenka aan ku guulaysan inay hammigooda dhinaca tartanka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka kula dardaarmay inay firfircooni iyo niyad-wanaag ka qaadaan dhibka soo gaadhay oo aanay niyad-jabin, casharrona ka bartaan dariiqa adag ee ay soo mareen muddadii ay ololaha doorashada ku jireen.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), ayaa ku dheeraaday kaalinta muhiimka ah ee ay haweenku ugu jiraan qaranka iyo sida ay xisbi ahaan ugu dedaaleen inay helaan saaxad hufan oo ay ku tartamaan, islamarkaana y dhammaan gobollada dalka ka siiyeen saami weyn oo ay kaga qaybgelayaan tartankii goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee dalka ka qabsoomay.

Wasiirrada wasaaradaha, arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed, Shaqo-gelinta, qoyska iyo arrimaha Bulshada, Mudane Mustafe Cali Bile oo iyaguna halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa madaxweynaha ku bogaadiyey kulanka uu haweenka aan ku guulaysan kuraasidii ay isu soo sharraxeen ee gobollada iyo degmooyinka dalka, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay xukuumadda ka go’an tahay inay mar walba haweenka qaranka garab istaagto.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalialnd, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii uu si hufan u dhegaystay soo jeedimihii haweenka iyo codsiyadii ay soo jeediyeen, halkaas ka jeediyey khudbad uu kula dardaarmayo haweenka, isaga tilmaamay inay haweenku guul weyn gaadhaan, caqabadaha maanta hor taagan intooda badanina aanay iyaga gaar u ahayn oo lala wadaago, waxana uu yidhi, “Habluhu guul inay joogaan baan anigu u arkaa, waayo haddii raggu idin cadaadinayey, haddii qabyaaladi idin cadaadinaysay iyo haddii dhaqan idin cadaadinayeyba, maanta waxad ku faraxdaan kuwii intaaba is bidayey ee moodayey inay dhaqan kusoo baxayaan iyo idinku inaad meel wada joogtaan, markaad codka eegtaanna intii aad ka cabanayseen, in badan oo tirsanaysay maanta waa idin la mid oo may soo bixin.”

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu caddeeyey inuu madaxweyne ahaan kaalin weyn ka qaadanayo sidii haweenka looga qaybgelin lahaa talada qaranka, loona suulin lahaa caqabadaha haweenka hor yaalla,“Xukuumad ahaan waannu idinla shaqaynaynaa, carqaladdaa ay dumarku ka maqan yihiin taladii dalkana waa waajib qaran oo qof walba saaran, in arrintaas xal loo helo oo la riixo, xukuumad ahaan iyo qof ahaanba kaalintaydaan ka qaadanayaa, waanan ka dedaalayaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Madaxweynuhu waxa soo dhaweeyey codsiyo kala duwan oo ay haweenka aan doorashadii ku guulaysani madaxweyne ahaan ugu soo gudbiyeen, waxana uu u sheegay inuu la dareen yahay, codsiga ay usoo jeediyeen ee ay ku midaysan yihiinna uu si gaar ah usoo dhaweynayo, tixgelinna siinayo.

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories