HomeMadaxweynaha Somaliland oo xafiiskiisa ku qaabilay Wefti uu hoggaaminayo ku-xigeenka Safiirka Ingiriiska...

Madaxweynaha Somaliland oo xafiiskiisa ku qaabilay Wefti uu hoggaaminayo ku-xigeenka Safiirka Ingiriiska u fadhiya Addis Ababa iyo Nuxurka waxyaabaha ay ka wada-hadleen

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

IMG_0002Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wefti uu hoggaaminayo Safiir ku-xigeenka Ingiriiska ee Dalka Ethiopia gaar ahaan Addis Ababa Mr Chris Allan oo maanta socdaal ku yimi dalka.
Kulankan ka dib waxa qasriga madaxtooyada Shir Jaraa’id si wada jir ah  ugu qabtay Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga ee Somaliland iyo Safiir ku-xigeenka Ingiriiska u fadhiya magaalada Addis Ababa oo labadoodu ka xog-warramay nuxurka kulanka dhexmaray labada dhinac iyo heerka uu wakhtigan marayo xidhiidhka Somaliland iyo Ingiriisku.

Wasiirka Ganacsiga iyo Maal-gashiga Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa sheegay in socdaalka Safiir Ku xigeenku la xidhiidho sidii loo sii xoojin lahaa wax wada qabsiga Somaliland iyo Ingiriiska waxaanu yidhi,  “Waxa maanta socdaal  ku yimid dalka Safiir Ku xigeenka Ingiriiska u fadhiya Addis-ababa, Chris Allan oo horena dalka u yimid. Socdaalkan oo muujinaysa xidhiidhka wanaagsan ee ka dhaxeeya Britain iyo Somaliland ee dhinacyada nabad-gelyada iyo dhaqaalaba leh.”

safiirka uk“Ingiriisku waa dalka mucaawimada ugu badan siiya Somaliland, waxaanan la leenahay dawlad ahaan iyo shacbi ahaanba xidhiidh soo jireen ah oo ah wax wada qabsi si isku dheeli-tiran ay labada dal u shaqeeyaan,”ayuu yidhi Wasiirka Ganacsigu.

Dr. Maxamed Cabdilaahi oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray “imikana booqashadiisa iyo kulanka uu la yeeshay madaxweynuhu waxay la xidhiidhaa sii kobcinta xidhiidhka labada dal.”

“Ingiriisku waa Saaxiibbada ugu dhow-dhow ee ay Somaliland ku leedahay Adduunka reer Galbeedka, waxaanan rejaynaynaa inuu xidhiidhkaasi sii kardho,” ayuu yidhi Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashigu. Waxaanu intaas ku ladhay, “Waxa beryahan dambe soo baxayay muranno iyo hadallo aan xaqiiq ahayn oo sheegayay in xidhiidhka Somaliland  iyo Inigiriisku uu sidii hore ka khafiifsan yahay. Arrintaas oo ah mid aan jirin oo ka fog xaqiiqda.”

“Waa dalka ugu badan ee amniga iyo dhaqaalaha kala shaqeeya Somaliland, imikana waxay nagala shaqaynayaan dhinacyo cusub,”ayuu intaas raaciyay.

Sidoo kale safiir Ku xigeenka Ingiriiska u fadhiya Itoobiya Mr. Chris Allan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay socdaalkiisa Somaliland oo ah dal uu ka dhaxeeyo wax-wada qabsi soo jireen ah oo ku wajahan dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga. Waxaanu tilmaamay in iskaashigaasi uu yahay mid mar kasta la sii xoogeynayo oo aan hoos u dhici Karin.

IMG_0023“Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo ka Dadka Ingiriiska, waxaan shacbiga Somaliland ku bogaadinayaa Sannadka Cusub ee Islaamka, Sannad-wanaagsan” ayuu yidhi Ambassador Chris Allan, isaga oo intaas raaciyey Kelmad Af-Soomaali ah oo uu ku muujinayay sannadka cusub ee Islaamka, “Sannad Wacan,” ayuu yidhi.

Danjiruhu waxa uu intaas ku daray inay madaxweynaha isla faaqideen qodobo la xidhiidha mashaariic horumarineed oo todobaadyada soo socda bilowgooda ay xukuumadaha Somaliland iyo Ingiriiska si wada-jir ah ugaga dhawaaqi doonaan magaalada Hargeysa.

Kulanka dhexmaray dawladaha Ingiriiska iyo Somaliland, waxa madaxweyne Siilaanyo dhankiisa ku wehelinayey Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Wasiirka Qorsheynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories