HomeMadaxweynaha  Somaliland Oo Kulan La Qaatay Weftigii ugu ballaadhnaa oo Ka Kooban Safiiro...

Madaxweynaha  Somaliland Oo Kulan La Qaatay Weftigii ugu ballaadhnaa oo Ka Kooban Safiiro iyo Masuuliyiin kale

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay  wefti ballaadhan oo safiirro ah oo ka socda dalalka Denmark, Switzerland, Finland, Norway, Sweden, Uk iyo Safiirka Midawga Yurub, kuwaas oo noqonaya weftigii ugu ballaadhnaa ee Madaxweynuhu qaabilo.

 muuse biixi iyo kulanka wufuudda (1)

Kulankan oo ka qabsoomay qasriga madaxtooyada, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxana lagaga wada hadlay arrimo door ah oo salka ku haya xoojinta xidhiidhka labada dhinac.

 

 Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Prof. Maxamuud Yaasiin Xiir (Faratoon) oo markii kulankaasi soo dhammaaday saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay inuu kulankaasi ahaa mid is fahan iyo afkaar isweydaarsi salka ku hayey, dhammaanba wixii la isla soo qaadayna meel fiican la isla dhigay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Weftigu waxa ay u yimaaddeen inaannu is weydaarsanno afkaar ku saabsan arrimaha badan ee mandaqadda ka jira iyo xidhiidhka Somaliland iyo dalalkaasi ay leeyihiin sidii hore loogu marin lahaa, la isu xog-ogaalsan lahaa, la isuna dhaafsan lahaa wixii macluumaad ah iyo wixii afkaar ah ee loo baahan yahay in laga wada-hadlo, haddii ay siyaasad tahay, haddii ay dhaqaale tahay, haddii ay gargaar tahay iyo haddii ay nabadgelyo tahayba, dhinac walba waa laga wada-hadlay si wanaagsanna waa la isugu afgartay dhammaan arrimihii laga wada hadlay.”

 muuse biixi iyo kulanka wufuudda (6)

Ambassador mette Knudsen oo ah safiirka waddanka Denmark oo iyaduna halkaas hadal ka jeedisay, ayaa hoosta ka xarriiqday inay wefti ahaan kulan midho dhalay la yeesheen madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyada oo tilmaantay  inay madaxweynaha kala hadleen muhiimadda ay leedahay  ilaalinta sumcadda ay Somaliland ku leedahay dunida ee dhinaca doorashooyinka iyo Dimuqraaddiyadda, islamarkaana uu madaxweynuhu u muujiyey sida ay uga go’an tahay inay doorashooyinku ku qabsoomaan waqtigooda.

 

Sidoo kale, waxa ay safiirku sheegtay in waxyaabihii kulanka diiradda ku saareen ay kamid ahaayeen xaaladda bani’aadamnimo ee ay sababeen abaaraha ka jira gobollo kamid ah dalka Somaliland ka taagan iyo barnaamijyada dhinaca horumarka ee dalalka reer yurub ka wadaan dalka Somaliland.

 muuse biixi iyo kulanka wufuudda (5)

Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir, arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Horumarinta Maaliyadda, Mudane Sacada Cali Shire iyo Qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Mudane Cawaale Ibraahim Shirwac.

 muuse biixi iyo kulanka wufuudda (3)

Dhinaca Xubnaha weftigu waxay kala ahaayeen: Safiirka Denmark, Amb. Mette Knudsen, Safiirka midawga yurub Pencho Garrido Ruiz, Safiirka dalka Ingiriiska Amb. Ben Fender, Safiirka Dalka Sweden, Amb. Andreas Von Uexkull, , safiirka Dalka Norway, Amb. Elin Bergithe Rognilie  oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka socday safaaradaha dalalkaas iyo madax sare oo iyagu ka socday dalalka Finland iyo Switzerland.

muuse biixi iyo kulanka wufuudda (2) muuse biixi iyo kulanka wufuudda (8) muuse biixi iyo kulanka wufuudda (6)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories