HomeMadaxweynaha Somaliland oo kulan la qaatay Wefti sare oo ka socda ururka...

Madaxweynaha Somaliland oo kulan la qaatay Wefti sare oo ka socda ururka IGAD iyo Arrimaha laga wada-hadlay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wefti sare oo ka socda Urur-goboleedka ay ku midaysan yihiin waddamada Bariga Afrika ee IGAD, ayaa maanta dalka soo gaadhay, waxaana qaabilay oo kulan la yeeshay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, waxa weftiga IGAD hoggaaminayay wakiilka gaar ah ee ururkaas u qaabilsan Soomaalida, danjire Maxamed Guyo, waxaanay madaxweynaha Somaliland ka wada-hadleen qodobbo isugu jira doorka siyaasadeed iyo dhaqan-dhaqaale ee ururkaasi ku leeyahay Arrimaha Soomaalida, gaar ahaan Somaliland iyo Soomaaliya.

IMG_0409War-saxaafadeedka oo uu ku saxeexan yahya Afhayeenka Madaxweynaha Maxamuud Warsame Jaamac oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta Somalilandpost.net, ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu xafiiska ku qaabiley wefti  ka socda urur-goboleedka IGAD, oo uu hoggaaminayey ergeyga gaarka ah ee Ururkaasi u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya,  Amb. Maxamed Guyo, oo uu wehelinaayey Cabdulkarim Maxamed oo ah la taliyaha arrimaha siyaasadda ee IGAD.

Ugu horrayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu weftiga uga xog-warramay xaaladda guud ee dalka, sidoo kale waxa uu warbixin ka siiyey horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay muddadii ay jirtay, taasi oo ku timid wada-jirka iyo iskaashiga wada shaqayneed ee shacbiga iyo xukuumadihii kala danbeeyey  ee Somaliland ka soo taliyey, taasi oo sababtay in indhaha caalamku ku soo jeestaan Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaana kulankaasi waxa diiradda lagu saaray arrimaha nabadgelyada mandaqadda geeska Afrika, gaar ahaan waxa si qoto dheer looga wada hadlay arrinta Tuka-rag oo uu madaxweynuhu weftiga u caddeeyey in Somaliland aanay marnaba duulimaad ku ahayn dal kale, hadday cidi joogto dhul aanay lahayna ay Soomaaliya ku jirto 70-Km oo Somaliland leedahay.

Waxa kale oo kulankaasi lagaga wada-hadlay in IGAD taageerto mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda, khaasatan hirgelinta qorshaha labaad ee qaranka ee shanta sanno ee soo-socda, iyada oo sidoo kale laga wada hadlay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee la filayo in ay dib u furmaan dhawaan.

Dhinaca weftiguna waxa ay madaxweynaha uga mahadnaqeen sida qiimaha leh ee uu u qaabilay una soo dhaweeyey, waxaanay Somaliland ku ammaaneen horumarka ay xukuumad ahaan iyo shacabba gaadheen, iyaga oo dhinacoodana ballan qaaday inaanay Somaliland waxba ka hagranaynin, tixgelin gaar ahna siinayaan waxyaabaha ay madaxweynaha ka wada-hadleen.

Madaxweynaha waxa kulankaa ku wehelinaayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya Ambassador Cali Xuseen Ismaaciil (Cali-shoombe) iyo wakiilka Somaliland u qaabilsan Midowga Afrika, Amb. Aadan Muuse Jibriil.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Afhayeenka madaxweynaha Somaliland.

Si kasta ha ahaatee, lama oga ujeeddada dhabta ah ee socdaalka saraakiisha IGAD oo noqonaya kii ugu horreeyey ee ay ku yimaaddaan Somaliland tan iyo intii la doortay madaxweynaha cusub, balse waxa suurta-gal ahin ujeeddada socdaalkoodu la xidhiidho arrimo siyaasadeed oo ku saabsan wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya oo la filayo inay dhawaan dib uga furmaan waddanka Jabuuti.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories