HomeMadaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Wefti Ka Socda Qaramada Midoobay (muuqaal...

Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Wefti Ka Socda Qaramada Midoobay (muuqaal + Sawirro)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
  1. Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay wefti ballaadhan oo ka socda jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa oo uu hoggaaminayo ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, ahna isu-duwaha arrimaha Gargaarka Binu’aadam-nimada Mr. Peter de Clercq.

IMG_0000Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland maanta, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, horumarinta caafimaadka Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf iyo guddoomiyaha hay’adda u diyaar-garowga Aafooyinka Dabiiciga ah iyo Keydka raashinka qaranka, mudane Faysal Cali Sheekh, waxaana ay labada dhinac kulankooda kaga wada-hadleen xaaladda guud ee dalka Somaliland, iyaga oo si gaar ah ahna diiradda u saaray xaaladda abaareed ee kasoo cusboonaatay meelo badan oo dalka ah, waxaana  la isla gorfeeyey baahida loo qabo inay qaramada midoobay kaalin buuxda ka qaadato xaaladda abaareed ee soo cusboonaatay.

IMG_0001Waxyaabaha kale ee kulankan lagaga wada-hadlay, ayaa waxa ka mid ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa saamiga ay qaramada midoobay ku taageerto Somaliland, Mashaariicda horumarineed ee ay dalka ka fuliyaanna la gaadhsiiyo gobollada Bariga dalka, isla markaana laga haqab-tiro adeegyada Aas-aasiga u ah nolosha bulshada, shaqo-abuurka dhallinyaradana ay gacan buuxda uga geysan lahaayeen.

IMG_0003Ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, ahna isu duwaha arrimaha gargaarka Binu’aadam-nimada Mr. Peter De Clercq, ayaa isaguna soo dhaweeyey dhammaanba qodobada uu madaxweynuhu kala hadlay, diyaarna u yihiin fulintooda, qiimaynna ku samayn doonaan xaaladda abaareed ee jirta, isagoo la kaashanaya hay’adaha u xilsaaran, sidoo kalena qayb ka noqon doonaan hirgelinta qorshaha horumarinta qaranka ee labaad (NDPII). Waxaanu madaxweynaha Somaliland si gaara ugu hambalyeeyey doorka muuqda ee dhalinyaradu kaga jirto siyaasada Somaliland iyo fursadaha uu siiyey madaxweynuhu da’a yarta dalka.

IMG_0443Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa markii kulankaasi soo dhammaaday warbixin kooban ka bixiyey kulanka uu madaxweynuhu la qaatay weftiga ka socda qaramada midoobay, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Madaxweynaha iyo ku-xigeenka  Ergayga gaarka ah ee jimciyadda quruumaha  ka dhexaysa u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya waxa ay ka wada-hadleen xaaladda imika taagan ee abaaraha iyo sida loogu baahan yahay in  la iska kaashado sidii arrinkaas wax looga qaban lahaa waqtigan iyo mustaqbalka dambeba.”

IMG_0453Dhinaca Weftiga waxa ku wehelunaayey ku xigeenka Ergayga.

  1. La-taliyaha isku-duwaha ee degaanka, Govin Roy,
  2. Kaaliyaha Gaarka ah ee DSRSG / HC / RR, James Eberlein,
  3. Madaxa xafiiska Somaliland, UNSOM, Jeff Sims
  4. Madaxa isuduwidda OCHA, Edmore Tondhlana, iyo
  5. Ilias Dirie, oo ka socday ILO

https://youtu.be/RKHkvQW-8RM

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories