HomeMadaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda iyo Xisbiyada Mucaaradka...

Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Madaxda Ururrada Siyaasadda iyo Xisbiyada Mucaaradka oo Ma Muquurtay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan saacado qaatay la yeeshay madaxda tobankii urur siyaasadeed ee u soo baxay tartanka xisbiyada Qaranka Somaliland, iyadoo ay kulanka ka maqnaayeen labada xisbi mucaarid oo kulanka lagu marti-qaaday balse aan ka soo qaybgelin.

Ugu horrayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu warbixin guud ka siiyey hoggaamiyeyaasha ururrada siyaasadda xaaladda guud ee Dalka, waxaanu madaxweynuhu uu xog la xidhiidha heshiiskii isfahanka ahaa ee taariikhiga ahaa ee dhex maray Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Federaalka Ethiopia, sidoo kale madaxweynuhu waxa uu warbixin taa la mida ka siiyey gudoomiyeyaasha iyo madaxdii kale ee ururrada siyaasadda ee fadhiyey shirka wada-hadaladii dib uga bilowday dalka Jabuuti ee u dhexeeyey Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya.

Waxaana kulanka madaxweynaha ku wehelinaayey gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ahna wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga kulmiye Cabdicasiis Maxamed Samaale, guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi dheere) Xoghayaha Xisbiga Kulmiye Faysal Cabdiraxmaan Madar, Wasiirka Xannaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud, Guddoomiyaha hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha mudane Cabdikariim Axmed Maxamed(Xinif),

Dhinaca Ururadana waxa kulanka ka soo qaybgalay, gudoomiyeyaasha Barwaaqo, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Shacabka, Dr Maxamed Maxamuud Kaahin, Talo-wadaag, Mudane Ibraahim Mahdi Buubaa, Rejo, Cabdilaahi Axmed (Dahab), Ogaal Marwo Rooda Cabdi Muuse, Horseed Mudane Cabdilaahi Imaan Derawal, Guddoomiye ku-xigeenka Mideeye, Mudane Cabdiqani Guuleed Maxamed, guddoomiye ku xigeenka ururka Kaah, Mudane Cabdilaahi Ibraahim Habbane, Xoghayaha guud ee Hillaac, Dr. Foosi Maxamuud Qoofal, xoghaye guud Ogaal, Mudane Cabdikhaaliq Cabdilaahi Maxamed iyo xoghayaha guud ee ururrada siyaasadda Xamse Xasan Axmed.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories