HomeMadaxweynaha Somaliland oo Kulan la Qaatay Madaxda Shirkad Shidaal-baadhis ka samaynaysa dalka

Madaxweynaha Somaliland oo Kulan la Qaatay Madaxda Shirkad Shidaal-baadhis ka samaynaysa dalka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta kulan la yeeshay masuuliyiin ka socday Shirkadda DNO oo ka mid ah Shirkadaha Shidaal-baadhista ee Somaliland heshiiska kula-gashay hawl-gallada Shidaal-baadhista.

Kulanka dhex-maray Madaxda Shirkadda DNO iyo Madaxwaynaha ka dib, waxa si laba geesood ah Shir-jaraa’id ugu qabtay Madaxtooyada Wasiirrada Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis iyo Macdanta & Tamarta Somaliland Eng Xuseen Cabdi Ducaale iyo masuuliyiinta Shirkadda.

IMG_0329Wasiirka Arrimaha Dibadda Md Maxamed Biixi Yoonis oo ka hadlayey waxa uu yidhi, “Waxaan aad iyo aad u soo dhawaynayaa madaxda shirkada DNO oo la siiyey (Block 18) oo aan filayno inaanu si fiican ula shaqayn doono, wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Tamartu uu hore aad ula shaqeeyay. Waxaanu aaminsanahay oo ay iyaguna aaminsan yihiin waddankan in dhaqaalaha, horumarka iyo batroolkeenu inuu yahay ka meel sare ina gaadhsiinaya oo ay tahay inaynu kuwada dadaalno inaynu meel uga soo wada jeedsano oo aynu gacan siino shariikadaha inoo imanaya iyo dadka ajanabiga ah ee innagu soo qulqulaya ee jecel inay wax inala qabsadaan.”

Sidoo kale, Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Eng Xuseen Cabdi Ducaale oo halkaas ka hadlay, ayaa tafaasiil ka bixiyey wakhtigii ay xukuumad ahaan heshiiska la galeen shirkaddan, waxaanu yidhi, “Shirkadani maaha shirkad  innagu cusub ee waa shirkad aynu la saxeexanay heshiis bishii 4aad ee sanadkii ina dhaafay (April 2013), waxaanu  heshiiskaasi kuwada saxeexanay Washington DC. Shirkadan DNO aasaaskeedu waa Norweyjiyaan, balse waxay ka shaqeysaa Bariga Dhexe iyo Woqooyiga Afrika, waxaanay wadataa Iskaashato kala shaqaynaysa BLOCK 18 oo saamiga leh boqolkiiba 40, markaa hadda shirkadii way soo diyaar garowday oo way soo degtay, waxaanay doonaysaa inay shaqadii bilowdo, oo laba bilood hortood ayey xafiis ka furatay hargeysa, maareeyihii dalka u matalayey oo isaguna ah Maxamed Jaamac Diiriye wuu inala joogaa. Waxaanay haatan dalka u yimaadeen inay Madaxweynaha soo salaamaan oo ay u sheegaan inay shaqadii diyaar u yihiin inay hore ka bilaabaan.”

IMG_0353“Madaxdoodii DNO iyo shuraakadoodiiba wada jirbay Cumaan uga yimaadeen waxaana runtii mudnaan leh oo ah in xuso inaynu markii ugu horeysay aragno shariikad Cumaani ah oo dalkeena maalgashi ku samaynaysa, way innaga maqnaayeen reer Cumaan oo aad iyo aad baanu ugu faraxsanahay inay dalkeena maalgaliyaan waana dal cilaaqaad weyni hore uga dhaxayn jiray labada dal, haatana dib u soo noqonayo,   sida aynu dib ugula soo noqonayba cilaaqaadkii aynu la lahayn reer Galbeedka (qarbiga).”

Xukuumadda Somaliland ayaa shirkaddan DNO heshiis kula gashay inay hawlo shidaal-baadhis ah ka samayso bogcadda 18 oo ku taala gobolka Sool ee Bariga Somaliland, waxaanu heshiisku labada dhinac sannadkii hore ka dhacay magaalada Washington ee dalka Maraykanka oo madaxweyne Siilaanyo iyo wefti uu hoggaaminayaa socdaal ku tageen bishii Afraad ee sannadkii hore.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories